Warbixinno

Imtixaanka Dhexe Ee Dugsiyada Sare Oo Maanta Ka Bilaawday Puntland.

Waxaa maanta si rasmi ah deegaanada maamul gobolleedka Puntland ka bilaawday imtixaanka dhexe ee sanad dugsiyeedka 2016-2017, kaas oo ay ka qeyb galayaan kumaan arday ah oo dhigata fasalada Kowaad illaa 12-aad ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.

Ardayda wax ka barata dugsiyada gobolka Mudug ayaanan imtixaankaa ka qeyb gali doonin, sababo dib u dhac ku yimid.

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Puntland ayaa sheegtay In mudo dib loo dhigay imtixaanka gobolka Mudug, si ardayda loogu dhameystiro duruusta loogu talagalay qeybta hore ee sanad dugsiyeedka, maan daaba ay saameeyen dagaaladi halkaas ka dhacay.

Wasaaraddu ma aysan shaacin xilliga rasmiga ah ee Imtixaanku ka bilaabanayo dugsiyada Gobolka Mudug.

Xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa booqday goobaha imtixaandku ka soconayaan, si gaar ah dugsiyada Gobolka Nugaal.

Related Articles

Close