Warbixinno

Qaar Ka Mid Ah Dugsiga Dalka Oo Maanta Dib Dib Loo Furay.

Waxaa maanta dib u bilaawday adeeggii waxbarasho ee qaar ka mid ah Dugsiyada hoose dhexe iyo sare  ee gobollada dalka.

Dugsiga Mujamac Umul Quraa ee caasimadda Muqdisho ayaa ka mid xarumaha waxbarasho ee daarsoodkoodii dib u bilaabay.

In ka badan 600 oo arday oo dugsigaa wax ka barata ayaana xaadiray xiisadaha dugsiga,sida maamulaha dugsigu u sheegay Mandeeqfm

Si la mid ah Mujamac Umul Quraa waxaa maanta dib u bilaawday duruusta badi dugsiyada ku yaala magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Maxamed Xuseen Qasim,maamulka Dugsiga Beydhabo Janaay ee Magaalada Beydhabo ayaa warqabadka raadiyaha u sheegay in inkastoo waxbarashada dugsigu dib u bilaabataya hadaa ay jiraan ardayd aanan daruusta dugsiga soo xaadirn.

Waxa uu xusay in badi dugsiyada waxbarasho ee Beydhabo maanta dib lo fuaray.

Waxaa xusid mudan inay jiraan goobo waxbarasho oo aanan wali la fulin,kuwaa oo qaarkood ku yaala magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud,inkastoo dugsiyada dalka intooda badan dib loo furay.

Related Articles

Close