Warbixinno

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Socdaal Kormeer Ah Ku Maraya Deegaanada Dhaca Bariga.

kormeerka oo qaatay mudo ka badan sagaal cisho ayaa waxaa ku wehlinaya agaasimaha guud xubno kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada maamulka somaliland.

Cabdi Cali Jaamac,agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada oo saxaafadda kula hadlay Burco kadib socdaal uu ku maray deegaanada hoos yimaada gobolka Togdheer,ayaa ujeedka socdaalkiisa kus heegay sidii loogu guurgali lahaa habka manhajka waxbarasho uu sanad waxbarasheeedkan kaga hirgalay deegaanada bariga Somaliland ku yaala.

Agaasimaha ayaa dhanka kale booqday xarunta buugaagta Heemo ee magaalada Burco halkaa oo lagu iibiyo buugaagta Wasaaraddu ugu talagashay dugsiyada deegaanadaasi ku yaala.

Waxa uu goobta warbixin kaga dhageystay madaxa suuq geynta xarunta,isagoon ku bogaadiyay howsha ay hayaan.

Related Articles

Close