Warbixinno

Dugsi Cusub Oo Lagu Baranayo Culuumta Maadiga iyo Diiniga Oo Laga Hirgaliyay Nairobi.

Munaasibad lagu daah furayay dugsiga Cusub oo lagu magacaabo Xaniifa Intargrated Academy,ayaa lagu qabtaya xaafadda soomaalidu degto ee Islii ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xafladda furitaanka dugsiga cusub ayaa waxaa ka qeyb galay hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya aadan bare Ducaale,maamulka madasarada cusub,culumaa udiin iyo marti sharaf kale.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Dugsiga  Xaniifa Intargrated Academy oo xafladda daah furay ayaa sheegay in aas aaska dugsiga uu salka ku hayo wax ka qabashada baahyada dhanka waxbarashada ah ee uu sheegay inay ka taagan tahay Islii.

Waxa uuna munaasibadda ka balan qaaday in dugsiga door muuqda uu ka ciyaari doono tayenya adeegga Waxbarashada ee xaafadda Islii.

Qaar ka mid ah culumaa u diinkii ka qeyb galay xarig ka jarista dugsiga ayaa ku boriyay maamulka dugsiga inay u dadaalaan wax barista dhalaanka Soomaaliyeed,ayna la yimaadaan nidaam ka duwan dugsiyada kale si loogu soo hirto.

Aadan bare Ducaale hogaamiyaha aqlabiyadda aqalka baaramaanka Kenya oo munaasibadda soo xiray ayaa sheegay in Soomaalida ku nool dalka Kenya loo bahan in laga gacan siiyo wax barista dhalaankooda.

Related Articles

Close