Warbixinno

Galmudug Oo Sheegay Inay Gacanta Kusoo Dhigeen Dooni Kaluumeysi Sharci Dari Ah Ka Waday Xeebaha.

Ciidanka badda maamulka Galmudug ayaa Sheegay inay gacanta ku soo dhigay dooni kalluumeysi sharci daro ah ka waday xeebaha Galmudug, kadib howlgal ay ciidanka ka sameeyeen xeebaha ku teedsan degaanada Galmudug.

Sida saraakiisha Badda Galmudug ay Tilmaameen Doonida waxaa laga leeyahay dalka Yamen.

Ciidanka Badda maamul goboleed Galmudug ayaa dhaawacay labo ka mid ah shaqaalihii doonida waday ka dib markii ay isku dayeen in ay baxsadaan .

Doonida ayaa waxaa saarnaa shaqaale tiradooda lagu qiyaasay 30 qof.

Waxaa ayaa hadda lagu haya degaanka labad ee ku dhaw xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Howlgalkaan ayaa ciidanka Galmudug waxa ay bilaabeen maalmo ka hor, waxaana u jeedka howlkaani uu ahaa in laga hortago kalluumeysiga Sharcidarada ah.

Related Articles

Close