Warbixinno

Kulan Looga Hadlayo Xoojinta Xiriira Ka Dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada Puntland Iyo Maamulka Jaamacadda Qur’aanul Kariim Oo Lagu Qabtay Sudan.

Wafdi ka socda wasaaradda waxabarshada iyo tacliinta sare ee Puntland oo dhawaahana safar ku jooga dalkaasi ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta jaamacadda Qur’aanul Kariim ee wadanka Sudan.

Kulanka oo uu goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka jaamadda Qur’aanul Kariim Dr Mucaawiye ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhanka waxbarasha ee ka dhaxeeya jaamacadda iyo wasaaradda.

Deeqaha waxabarasho ee Jaamacaddu siiso ardayda Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu so hadal qaaday.

Kulanka kadib ayaa mas’uuliyiin wasaaradda waxabarshada iyo tacliinta sare ee Puntland waxa ay booqdeen qeybaha kala duwan ee jamaacadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi wax ka barta.

Wafdiga ayaa dhanka kale kulan la qaatay mas’uuliyiin Jimciyadda Dowladda Sudan U qaabilsan Ardayda ajaaniibta ah ee Dalkaasi wax ka barata.

Kulanka ayaa lagu s hadal qaadaya taageeridda iyo dhiirigalinta ardayda Soomaaliyeed ee Sudan Waxbarata.

Wafdi wasaaradda waxabarshada iyo tacliinta sare ee Puntland ee ku sugan Sudan ayaa waxaa horkacaya wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr Maxamed Cali Faarax.

Related Articles

Close