DugsiyadaWaxbarashada

Barnaamijka Tartanka Dugsiyada oo Maanta ay Ku Tartameen Ardayda Dugsiga Sare ee Aqoonbile

Baranaamijka tartanka dugsiga oo ah barnaamij maalin walba ka baxa maandeeq FM 1:00PM -2:15PM marka laga reebo Khamiista Iyo Jimcaha, waa barnaamij ay ku baratamaan ardayda wax kabarta dugsiyada dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Maalin  waliba oo Isniin ah waxaa tartanka  ku madalsan ardayda wax ka barata dugsiga hoose dhexe iyo  sare ee Aqoonbile, gaar ahaan kuwa fasalka Form One A iyo ardayda fasalka Form One C ee isla dugasigaasi.

Caaliyo Bashiir Nuur iyo Fartuun Xasan Barre ayaa matalayay fasalka form one A, halka Ayaan Xuseen C/qaadir iyo C/raxmaan Nuux Maxmed ay matalayee fasalka form one C e dugsiga Aqoonbile, sida caadada tartanka ahna waxaa lagu tartamaa 7 maado.

Gabagabdii  tartankana ayaa waxay guushu ku raacday form One C oo ku guuleysta dhibco gaaraya 8, halka form One A uu la yimid 7 dhibcood oo qura.

Tartanka waxaa isla barri ku ballansan arday kala oo ka tirsan iskuulaadka Muqdisho, tartanka iyo sida uu u dhaco iyo natiijadiisaba kala soco Maandeeqfm oo idiin soo gudbineysa idaacad iyo weybside intaba.

Si kastaba, ulajeedada tartankan ayaa ah dhiirigelinta ardayda wax akhrin joogta ah oo hadhow u sahli karta iney si fudud ula qabatimaan maaddooyinka ay baranyaan natiijo wax ku ool ahna ay ka keenaan imtixaanaadka iyo mustaqbalkooda dambe.

1 2 3 4

Related Articles

Close