WararkaWaxbarashada

Falcelinta Maamullada Iskuullaadka Qaar ee Ku Aaddan Wakhtiga Imtixaanka Midaysan ee Sanad dugsiyeedka 2017

Maamulaha dugsiga sare ee Caynu Raxmaan Muuse Salaad ayaa soo dhaweeyay wakhtiga wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya ay u asteysay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Maamule Muuse Salaad Siyaas oo Maandeeq Fm la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka ka soo baxay wasaaradda waxbarashada ee ku aaddanaa xiliga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, waxa uuna yiri:

“Haddii dowladda Soomaaliya ay sanadkan ku guuleysato iney dalka oo idil ardayda wax ka barata halmar laga wada qaado imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare,  ay noqoneyso sanadkii saddexaad oo ay ku guuleysanayso, iyadoo labadii sannad dugsiyeed ee la soo dhaafay wasaaradda waxbarshada ay u suutagashay iney qaaddo imtixaan midaysan”.

Maamulaha ayaa sheegay iney galayaan dadaal badan oo dheeri ah kuna aaddan sidii ardayda loo diyaarin lahaa inta aan la gaari ka hor wakhtiga loo qorsheeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqday wakhtiga imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka uu noqonayo 20 bisha May, 2017.

Related Articles

Close