Waxbarashada

Taayirro Baaskiil oo Hawo aan Ku Shaqeynayn oo La Soo Saaray

Dad badan ayaa aad u jecel baasiillada (mushkileetiga) aadna u jecel iney gaadiid ka dhigtaan amaba wakhtiyada firaaqa ay jir dhis ka dhigtaan, laakiin inta badan waxaa dhibaato lagala kulmaa taayirada oo xilli kasta ay dhaawacyo kala duwan soo gaaraan una baahda in la hagaajiyo.

Si markaa mushkiladda looga adkaado, koox ka tirasan shirkadda Bridgestone ee horumarinta iyo design-ka taayiradda baaskiillada  ayaa soo saaray taayirro aan hawo ku shaqeynayn.

Shirkadda ayaa fikradda soo bandhigtay sanadkii 2013 caasimadda dalka Japan ee Tokyo, xilli markaa ay soo bandhigtay taayaro aan hawo ku shaqeynayn oo loo adeegsan karo baaruur nooca yaryar ee Smart-ka ah ama tiknoloojiyad ku shaqeeya.

Shirkadda ayaa isku dayaysay xilligaa in meesha laga saaro taariyo bedelka gawaadhiga darawal la’aanta ku shaqeeya oo mushkiladda ugu weyni noqotay in cid bedesha loo baahan yahay xilli kasta.

Laakiin su’aal muhiim ah ayaa taagan oo ku saabsan taayiradan cusub ee baaskiilka loogu talagalay, sida ay ku mari  karaan gododka waddooyinka, bacaadka, dhagaxaanta, buuraha, sida loogu mari karo, taayarro aan hawo ku shaqeynayn?

Shirkadda Bridgestone wali may bilaabin iibinta taayiradan cusub ee aan hawada ku shaqeynayn, laakiin waxaa lagu wareejiyay shahaadada hal-abuurka oo u sahleysa in ay waxsoosaar la yimaaddaan si fudud ku suuqgeeyaan, cid kalena aaney ku dayan karin.

Related Articles

Close