DugsiyadaWararkaWaxbarashada

23,000 oo Arday oo Ka Qeybgalaya Imtixaanka Midaysan ee Dugsiyada Sare ee Dalka

Wasiirka wasaaradda waxbarshada Hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo Axaddii shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sanadkan ay ka qeybgalayaan Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka 23,000 oo arday oo ka socda 4 maamulgoboleed iyo gobolka Banaadir.

“Iyadoo maalin cusub ah oo aan rabno in tallaabo xagga horumarka loo qaado, in aan shaacinno in imtixaankii dugsiga sare Soomaaliya ee shahaadiga ahaa la qaadi doono 20 bisha May, 2017, waa sanadkii saddexaad oo imtixaanka la qaadayo isagoo midaysan, waxaa galidoona imtixaankaa arday tiradoodu gaarayso 23,000, waxaa laga gelidoonaa 4 dowladgoboleed iyo gobolka Banaadir kuwaas oo ay ku jiraan galmudug, Hirshabeelle, Konfurgalbeed, Jubbaland, iyo gobolka Banaadir”, ayuu yiri wasiirka.

Imtixaanka ayaa la shaaciyay inuu ka dhici doono 80 xarumood oo ka tirsan 10 gobol oo guud ahaan dalka oo dhan ah, iyadoo uu wasiirku sheegay in tirada ardayda sanadkan ay ku labo jibaaran tahay intii sanadkii hore ka qeybgashay imtixaanka dugsiyada sare ee Afarta Maamulgobleedeed iyo gobolka Banaadir.

Imtixaankan ayaa waxaa ka maqan maamullada Somaliland iyo Puntland oo iyagu si iskood ah u qabsanaya imtixaanka kama dambeysta ah ee dugsiyada sare, iyadoo wasaaradda waxbarashu ay arrinta ku sababeysay in muddo ah maamulladaasi ay  qabasaneyeen si iskood ah  imtixaanno midaysan.

Related Articles

Close