WararkaWaxbarashada

Barnaamijka Tartanka Iskuulaadka Maandeeq FM oo ay Maanta ka Qeybqaateen Ardayda Iskuulka Muzamil

Barnaamijka tartanka dugsiga oo ay maanta ku madalsanaayeen ardayda dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Muzamil ayaa waxaa ku tartamay ardayda fasalka sideedaad A iyo fasalka sideedaad B ee dugsigaasi.

Sumayo Maxamed Cali iyo Ibraahim Abuukar Shariif  ayaa matalayay  fasalka  sideedaad A,  halka Qadro Cali Maxmed iyo Ciise Maxmed Nuur ay matalayeen fasalka sideedaad B ee dugsiga Muzamil.

Sida caadada barnaamika ahna waxa ay ardayda ku tartamaan todobo  maado oo ka mid ah maadooyinka ay ardaydu ku qaataan iskuulka.

Natiijada tartanka waxa uu ku soo idlaaday 10 darajo oo ay keensadeen fasalka sideedaad A iyo 12 darajo oo ay keensadeen fasalka sideedaad B ee dugsiga Muzamil waxaan ay halkaasi guusha ku raacday fasalka sideedaad B ee dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Muzamil.

Si kastaba, ulajeedada tartankan ayaa ah dhiirigelinta ardayda wax akhrin joogta ah oo hadhow u sahli karta iney si fudud ula qabatimaan maaddooyinka ay baranyaan natiijo wax ku ool ahna ay ka keenaan imtixaanaadka iyo mustaqbalkooda dambe.

maandeeqfm muzamil

Related Articles

Close