DugsiyadaWaxbarashada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta Dhagax Dhigay Dayactirka Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Max’ed ayaa dhagax dhigay dib u dayactirka dugsiga sare ee Max’uud Axmed Cali oo muddo 27 sano ah burbursanaa.

Guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay munaasabadda dhagaxdhigga ayaa sheegay in maamulka cusub ee gobolka ay muhiimad wayn siinayaan xoojinta iyo horumarinta adeegyada bulshada sida; waxbarashada, Caafimaadka iyo Waddooyinka.

“Haddii aan nahay maamuka gobolaka waxaa naga go’an in aan ballarino fursadda da’yarta Soomaaliyeed ay ku heli karaan waxbarashada aasaasiga ah, dugsigaanna wuxuu dowr weyn ka qaadan doonaa hirgelinta hadafkaasi”, ayuu yiri guddoomiye Taabid.

Dugsigan oo loogu magac daray halgamaa Max’uud Axmed Cali oo ka mid ahaa raggii dhidibada u taagay hannaanka waxbarashada Casriga ee Soomaaliya, ayaa  waxu uu ka mid yahay dugsiydii sare ee gobolka Banaadir ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Iskuulan oo ahaa mid ay ka soo aflaxeen arday badan oo markii dambey hoggamiyeyaal ka noqday dalka ayaa dhagax dhiggiisani waxa uu noqonaya mid u waangsan horumarka waxbarashada dalka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close