CaafimaadkaWararka

Ololaha Tallaalka Cudurka Jadeecada Oo Ka Bilowday Deeegaannada Maamulka K/Galbeed

Olalahan oo caruurta looga talaalayo xanuunka Jadeecadda ayaa waxa uu ka bilaawday qaar ka mid ah deegaannada uu ka arimiyo maamulka K/galbeed.

Ololaha talaalka Jadeecada oo fulintiisa ay iska kaashanayaa Wasaaradda Caafimaaska K/galbeed iyo hay’adda caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa la filayaa in lagu talaalo kumanaan caruur ah oo u badan kuwa kasoo jeeda qoysaska danta yar ee talaalka aanan helin.

Waxaa wajigiisa kowaad lagu billaabay caruurta ku nool xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla duleedka Beydhabo, kuwaa oo aan horey u helin talaalka, sida wasiirka Caafimaadka K/galbeed Isaaq Cali uu sheegay.

Wasiir Caafimaadka maamulka K/galbeed oo ka hadlay daah furka ololaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in talaalka ka hortagga Jadeecada uu gaaro dhamaan caruurta ku nool deegaanada K/galbeed.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in xanuunka uu haatan ka jiro deegaannada K/galbeed oo la diiwaangeliyay illaa Lix kiis oo jadeeco ah oo cusub.

Related Articles

Close