WarbixinnoWaxbarashada

Si Fudud Ku Ogow, Saaxiibada Kaa Saara Bartooda Facebook

Waxaa lasoo kordhiyay barnaamij cusub oo qofka si fudud ugu sheegaya saxiibada ka tira bartooda Facebook-ga, saaxiibtinimada kala noqda.

Jariidada Express ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in Magaca  Application-kan cusubi uu yahay Dubbed Who Deleted Me(Ii sheeg qofka iga tiray), Application-kan badka uu kaa qaadanayaa waa mid kooban, waxa uuna la soconayaa saaxiibada aad ku leedahay Facebook-ga, waxa uuna garab kaa siinayaa inaad ogaato qofka kaa tiray liiska saaxiibtinimo ee Facebook-ga.

Dadka adeegsada Google Chrome iyo Firefox si sahlan ayay u la soo dagi karaa Application-kan cusub, waxaad iska diiwaangelinaysaa website-ka Who Deleted Me, isla markaa Application-ka waxa uu kuu diiwangelinayaa saaxiibaadaada aad hadda ku leedahay barta Facebook-ga.

Markasta oo aad website-ka booqato waxa uu sameynayaa isbarbardhig saaxiibadaadii hore iyo kuwa aad hadda haysato, waxa uu kuu sheegayaa haddii ay jiraan wax isbedel ah oo ku yimid liiska saaxiibadaa.

Nasiibdarro, Application-kani waxba kaagama sheegi karo saaxiibadii xilli hore kaa saaray liiskooda, laakiin isla marka aad iska diiwaangeliso wixii ka dambeeyay ayuu kuula socon karaa liiska saaxiibada, isla markaana uu kaa siinkaraa wixii isbedel ah ee ku yimaadda.

Related Articles

Close