MacallinkaWacyigelinWararka

Sifaadka Uu Leeyahay Macalinka Wanaagsan

Hadii aad weydiiso arday dhiganaya ama dhameeyay jaamacad qaabka uu wax ku soo bartay lagama yaabo in uu kaaga sheekeeyo kitaab ama duruusta uu soo qaatay  laakiin hadalkiisu waxa uu u badnaandoonaa macallin ama macallimad wanaagsan oo aanuu iloobi karin wanaagooda iyo hoggaamintooda, waana arrin bini’aadanku ka siman yahay taas oo ah in qof walba uu jecelyahay in si wanaagsan  loola dhaqmo.

Hadaba qoraalkan waxaan ku eegeynaa macalinka wanaagsan iyo sifaadka looga baahan yahay in uu ku dhaqmo si u soo saaro jiil wax ku ool ah tayadiisuna ay aad u sarreyso.

Sifaadka Ugu Wanaagsan ee Macalinka Wanaagsan lagu garto waxaa ka mid ah:

-Waa in uu ujeedkiisu uu yahay mid cad isla markaana leh qorshe wanaagsan oo ku aaddan hannaanka waxbarasho ee uu ku gudan karo hawshiisa.

-Waa mid u dhega nuglaada Ardeydiisa ogna xilliga uu dhegeysanayo iyo xilliga uu ka aamusayo.

-Macalinka wanaagsan waa mid aan abaal ka sugin ardeydiisa iyo ehelkoodaba, laakiin ku dadaala in wanaagiisu saameeyo nolosha ardeyga oo dhan.

-Macalinka wanaagsan waa macalinka dhiirigeliya ardeydiisa, waayo ardeygu mar walba waxa uu u baahan yahay in la dhiirigeliyo la ammaano lagana war hayo.

-Waa mid hogaamin karaa fasalka inta uu ku sugan yahay isla markaana kasban kara ardeydiisa.

-Macalinka wanaagsab waa macalinka ardaydiisa u soo bandhiga qaabab kala duwan oo ay wax ku baran karaan.

-Macalinka wanaagsan waxaa lagu gartaa in uu yahay macalin diyaarsan kana soo fekera casharka uu ardeydiisa siinayo.

-Waa mid mid xiriir fiican la sameeya maamulka iyo macalimiinta wax la dhigaysa ee kale.

-Macalinku waa in uu ardeyda u sameeyaa cadaalad oo uu san u eexan cidna.

-Sifaadka macalinka wanaagsan waxaa ka mid ah in uu marwalba kobciyo aqoontiisa lana socdaa wax walba oo aqoontiisa la xiriira oo dunida kusoo kordha.

-Sifaadka macalinka wanaagsan waxaa ka mid ah in uu yahya macallin cod kar ah oo codkiisa gaarsiin kara ardeyda fasalka oo dhan.

-Macalinku wanaagsan waxaa sifa u ah in uu dhaqaaq sameeyo inta uu sharxayo casharkiisa talabadaasi waxa ay u horseedaysa in ardeydu ay feejignaadaan lana socdaan macalinka

-Macalinka wanaagsan waxaa lagu gartaa in labiskiisu uu yahay mid wanaagsan soo jiidashana leh waayo waa farriin dadban oo macalinku uu u dirayo ardeydiisa.

-Macalinka wanaagsna waa macalinka la saaxiiba ardeydiisa  kana war hayo hadii ay xanuunsayihiin iyo haddii kale.

-Macalinka wanaagsan waa macalinka aan ciqaabta kula degdegin ardeysiisa laakiin ogaada xaaladiisa guud iyo waxyaabaha ku xeeran iyo duruufta ku hareeraysa.

Waxaa jira sifooyin farabadan oo aan la soo koobi karin oo uu leeyahay macallinka wanaagsan isla markaan aan lagu soo koobi karin qormo kaliya.

W/D: Ustaad; Xasan Cabdi Maxamed

macallinka wanaagsan

Related Articles

Close