CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

4 nooc oo Cusub oo Ka mid ah Unugyada Dhiigga Cad oo La Helay

Cilmibaarayaal ayaa helay 4 nooc oo cusub kana mid ah Unugyada dhiigga cad, cilmibaaris suurtagal ka dhigaysa inuu isbedel ku yimaaddo manaahijta cilmiga Bayoolajiga.

Unugyadan cusub ee la helay ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaara habdhiska difaaca jirka, iyagoo jirka kala dagaallama fayrasyada iyo cudurada.

Cilmibaarayaasha ayaa helay uguyada dhiiga cad oo noocyo cusub ah, iyagoo adeegsanaya tiknoojiyad cusub oo lagu baaro hidde sidaha, laakiin wali unugyadan cusub ee la helay ayaan shaqadooda si faahfaahsan loo garanayn.

Daraasaddan cusub ayaa cilmibaaryaasha mac’hadka Massachusetts ee tiknoloojiyadda ay adeegsadeen qalab casri ah oo lagu magaaco ” single-cell genomics”.

58ff2c26c461880d338b45d3

Dr. Davya Shah oo ka tirsan  Wellcome Trust, oo ka qeybqaatay maalgelinta cilmibaaristan ayaa tiri; “Waxaa jira Labo Nooc oo dhiigga cad ee muhiimka ah, kuwaas oo jirka ka difaaca cudurrada, stem cells iyo single cells”.

“Culumada ayaa adeegsaday tiknoloojiyad hormarsan, si ay u helaan noocyadan cusub ee unugyada dhiigga ah, tallaabada Labaad ayaa ah in la baaro shaqooyinka u gaarka ah uguyada cusub ee habdhiska difaaca jirka laga helay”.

Unugyada stem cells ee la helay ayaa shaqadooda bilaaba marka jirka gudahiisa ay soo gasho waxyaabo khatar ku ah iyagoo ka hortag ku sameeya qeyb ka mid ah walxahaa jirka soo weerara ee jeermiska ah, inta uu howshaa ku gudo jirana waxa uu ka farriin u dira dhamaan urugyada kale ee dhiigga kuna baraarujiyaa in jirka uu waajahayo weerar loo baahan yahay in laga difaaco.

Halka single cells “hal unugley” laga helay dhiigga cad isna uu noqday kan ugu weyn ugunyada dhiigga cad, kaas oo isku bedela uguyada Okolh ee waaweyn isla markaana liqa jeermiska jirka soo weerara.

Source: Daily Mail

Related Articles

Close