WacyigelinWararka

Kaalinta Waalidku Uu Ku Leeyahay Waxbarasada Ubadkiisa

Marka aanu ka hadlayno kaalinta waalidku uu ku leeyahay waxbarashada ubadkiisa waa mid aad u qoto dheer, haddii ay wanaagsanaantana u horseedaysa  ubadkiisa in ay ku guulaystaan, nolosha iyo waxbarashada.

Waalid walba waxa uu jecelyahay in ubadkiisu uu ku guulaysto waxbarashada, kaalin fiicanna uu ka galo bulshda horumarna uu ka gaaro nolosha.

Laakiin, marka aan eegno waaqica aanu ku noolnahay  waalidiin qaar waxaad mooddaa in ay ka gaabiyaan in ay caruurtooda u horseedaan guul, waana tan keentay in ay caruur badan aysan ku guulaysay  waxbarashada, Waalidiinta qaarkood waxaa laga yaabaa in ay eedayn saaraan macallinka, laakiinse uusan ogayn in mas’uuliyadda waxbarashada uu qeyb ka yahay, kaalin wanaagsanna uu ku leeyahay.

Hadaba si aan caruurteenna ugu horseedno waxbarasho tayo leh isla markaan ay ugu guulaystaan nolosha iyo waxbarashadooda waa in waalidku  qaado talaabooyinkan soo socda.

Waa in uu marka hore dareemaa mas’uuliyada waalidnimo taasina waxa ay u horseedaysaa in uu dareemo mas’uuliyad dhankasta ah.

1- Si ubadkaagu ugu guulaysto waxabarashada waa in aad u samaysaa qorshe guud oo aad waxbarashadiisa ku maamulayso.

2-Waa in uu kaa dareemaan jacayl joogta.

3-Waa in aad ku dhiirigelisaa waxbarashada oo aad ku ammaantaa marka ay u socdaan iyo marka ay ka soo laabtaan dugsiyadooda.

4-Waa in aad weydiisaa wixii ay soo barteen maanta iyo dhaqan wanaag lagula dhaqmo. dhaqmaan maamulka iyo macalimiinta.

5-Waalidku waa in uu dabagal ku sameeyaa caruurtiisa xiriir joogta ahna waa in uu la sameeyaa maamulka iyo macalimiinta goobta waxbarasho ee ubadkooda.

6-Waalidka waajibkiisu kuma eka oo keliya in uu ka fakero sidii caruurtiisu ay ku heli lahaayeen caafimaad iyo cunto oo keliya laakiin waxaa laga rabaa in uu ka fekero horumarkooda.

7-Waalidka wanaagsan waxaa lagu gartaa waa kan siiya ubadkiisa waqti ku filan.

8-Waalidku si ubadkiisa ugu daydaan waa in uu wax akhriyaa, qoraa, aqoontiisa kobciyaa.

9-Abaalmarintu waa arrin fiican caruurtana u horseedaysa in ay  sii jeclaadaan waxbarashada gaar ahaan xilliyada ay ku guulaystaan imtixaanka.

10-Waalidka si ubadkiisu ugu guulaystaan waxbarashada waa in uu ku ag amaanaa maamulka iyo macalimiinta iyo dadka martida ah ee guriga ugu yimaadda,  taasi waxa ay keenaysaa in dadaalkooda ay sii Laba jibaaraan dareemaanna in la tixgelinayo.

Qodobadaas iyo qodobo kale oo aad u badan ayaa laga rabaa waalidiintu in ay ku dhaqmaan si loo helo jiil wanaagsan oo dalka iyo dadka anfaca.

 

W/D: Ustaad; Xasan Cabdi Maxamed

Related Articles

Close