DugsiyadaWararkaWarbixinnoWaxbarashada

Puntland oo Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare Ku Beegtay Xilliga Wasaaradda Waxbarashada DFS ay U Asteysay Imtixaanka Wadajirka ah ee Dalka

Agaasimaha waaxda tayadhowr ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sanad dugsiyeedkan is bedel lagu sameeyay jadwalka imtixaanaadka midaysan ee dugsiyada deegaanada maalmuulka.

C/qaadir Yuusuf Nuux, agaasimaha waaxda tayeynta iyo tayadhowrka ee wasaaradda waxbarashada Puntland, ayaa sheegay in sanadkan lasoo hormariyay xilligii la qaadi jiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee maamulkaasi, lagana dhigay 20 bisha May, 2017.

Xilligan ayaa ah kii wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday iney qabaneyso imtixaanka wadajirka ee dugsiyada sare ee dalka oo ay ka qeybgalayaan 23,000 oo arday oo ka kala socda 4 maamulgoboleed iyo gobolka Banaadir.

Sababaha xilligan loogu soo beegay imtixaanka ayaa agaasimaha tayadhowrka waxbarashada Puntland ku sheegay iney tahay, dhibaatooyinka taagan oo ay abaartu kow ka tahay iyo bisha barakeysan ee Soon oo nagu soo foolleh.

Imtixaanka sanad dugsiyeedka ee naqliga ah ayuu sheegay agaasimuhu in isaguna la qaadi doono inta u dhaxeysa 6-da illaa iyo 13-ka bisha May si barayaashu fursad ugu helaan kormeerka iyo ilaalinta imtixaanka shahaadiga ah.

Agaasimaha ayaa ugu danbeyntii digniin u diray gudoomiyeyaasha deegaanada uu imtixcaanku ka dhacayo iyo maamulayaasha dugsiyada, si looga fogaado in imtixaanka la carqaladeeyo.

Sanad dugsiyeedkii tagay ee 2015/16 ayey ahayd markii imtixaankii Tuulada Qarxis ee gobolka Nugaal Loo dhacay, iyadoona Wasaaradda Waxbarasha Puntland gabi ahaanba ay laashay natiijadii imtixaankaasi.

Related Articles

Close