CaafimaadkaWararka

Wasaaradda Caafimaadka: 27 Kun oo Qof oo Shuban Biyood Ku Dhacay, 500 oo Ka Mid ah Ayaa Ugeeriyootay

Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gobollada kala duwan ee dalka ay shuban u geeriyoodeen 500 ruux oo muddo shan bil ah gudaheeda.

Agaasimaha wasaradda Cabdillaahi Xaashi oo waramay Goobjoog News ayaa sheegay in muddo kooban cudurkani ku soo ritay dad gaaraya 27 Kun oo cidkasta leh.

““Xaaladda wadanka uu marayo waa mid aad wada ogtihiin, waa mid aad u liidato, dedaallo badan baa la sameeyay , annagu waxaa inoo diiwaangishan in cuduruka uu ku dhacay dad ku dhow 27-kun, qiyaas ahaan 500 oo kamid ah cudurkaasi waa ay u dhinteen waana tiro aad u sarreeysa” ayuu yiri agaasime Cabdillaahi.

Agaasimaha ayaa sheegtay in dhakhaatiir ay u direen deegaanno badan oo dalka ah oo uu cudurku ka jiray, waxa uuna yiri:

“Wax u qabashada dadkaan wasaarradda kaliya ma ahane ee looma kala harin, dhaqaatiir badan baa loo tababaray, wasaaraddu waxay sameysay tababarro kala duwan xaaladda hadda jirto ee shuban biyoodka, haddii aan gurmadkaasi la sameyn lahayn dhimashada waxaan aaminsanahay iney intaasi ka badan lahayd”.

Cudurka shuban biyoodka ayaa ka dillaacay guud ahaan dalka, haba ugu badnaadeed gobollada maamulka K/Galbeed iyadoo abaarta iyo biyo yarida dalka ka jirtaa ay sii cakirta xaaladda siina xumeysay.

wasaaradda caafimaadka

Related Articles

Close