CaafimaadkaWararka

Cudurka Shuban Biyoodka  oo Deegaanno Hor Leh oo Gobolka Mudug ah Ka Dillaacay Dadna Ay U Dhinteen

Deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxaa ka dillaacay shuban biyood soo ritay dad farabadan qaar ka mid ahna ay u geeriyoodeen.

Deegaanka Daarusalaam ee gobolka Mudug waxaa la geeyay dadkii ugu badnaa ee shubanku uu soo rito, kuwaas oo gaaraya illaa 120 qof.

Cali Salaad Gama’diid oo ah guddoomiyaha Daarusalaam oo Goobjoog la hadlay ayaa yiri:

“Afar ruux ayaa cudurka Shuban biyoodka u dhimatay 120 kalena waa ay jiifaan, maalin walba dad hor leh ayuu cudurkaan soo ritaa, waana markii  ugu horreysay ee shuban biyoodka ku aragno deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha Cali Salaad.

Guddoomiyaha ayaa xusay in illaa 4 qof ay cudurka ay u geeriyoodeen ayna tahay markii ugu horreysay ee in muddo ah uu cudurku ka dillaaco deegaanka.

Hay’adaha samafalka, maamulka Galmudug iyo dowladda dhexe ayuu ugu baaqay iney la soo gaaraan gurmad degdeg ah oo waxlooga qabto faafidda laguna daweeyo cudurka.

Si kastaba, Shuban biyood ayaa ka dilaacay guud ahaan dalka iyadoo wasaaradda caafimada DFS ay sheegtay in shubanku uu soo ritay 27 kun oo qof isla markaan ay u geeriyoodeen illaa 500 oo qof oo ka tirsanaa dadkaa uu soo ritay.

daarusalaam

Related Articles

Close