JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Dufcaddii Ugu Horreysay Ee Ka Qalinjebisa Mac’hadka Xaannada Xoolaha ee Gaalkacyo Oo Loo Qabtay Munaasabad Sagootin ah

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimayay oo lagu sagootinayay 26-arday oo bartay culuumta xaananada Xoolaha ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.

Munaasibaddan lagu sagootinayay ardayda ayaa waxaa ka qeybgalay , xubno matalayay jaamaadda badda Cas, maamulka mac’hadka, waalidiin iyo Marti sharaf ay ka mid ahaayeen wasiiro ka socday maamulka Puntland.

Nuux Maxamed C/laahi, maamulaha Mac’hadka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ardayda ay  Saddex sano baranayeen cilmiga xanaanada xoolaha:

“Waa dufcaddii koowaad ee ka baxda mac’hadka xaananada xoolaha Gaalkacyo, qaarkood ayaa qaatay darajad Diblom-ka oo cilmiga baranayay Saddex sanood waxeyna gaarayaan guud ahaan ardayda qalin jabineysa 26-arday”ayuu yiri maamulaha Mac’hadka.

Dr.Cali Cabdi Warsame oo ah  wasiirka deegaanka, dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland ayaa munaasibadda ka sheegay in waxbarashada dalka ka jirta ay u baahan tahay isbedel in lagu sameeyo si ay u noqoto mid ka tarjunta baahida bushada Soomaaliyeed.

Mac’hadka xanaanada xoolaha ee Gaalkacyo waxaa si rasmi ah loo furay 2013-kii, waxa uuna xiriir la sameeyay Jaamacadda Sudan University of Science and Technology ee dalka Sudan, taas oo ka waasisa mac’hadka dhanka manhajka iyo macallimiinta.

Ugu Dambeyn,  munaasibadda ayaa  looga dhawaaqay in mac’hadka xanaanada xoolaha magalada Gaalkacyo uu la midoobay Jaamacadda Badda Cas Ee Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

gaalkacyo machadka xanaanada xoolaha ee Gaalkacyo

Related Articles

Close