WararkaWaxbarashada

Madaxweyne Farmaajo oo Dhiggiisa Turkiga Kala Hadlay Kordhinta Deeqaha Waxbarasho ee Ardayda Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkigay ayaa dhiggiisa dalkaas ee Recep Tayyip Erdogan kala hadlay kordhintinta deeqaha waxbarasho iyo horuminta goobaha tacliinta Soomaaliya.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa soo dhaweyn heersare ah ugu sameeyay caasiamdda Ankara madaxweyne Maxamed Cabduulaahi Farmaajo, soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka cunnada, beeraha iyo kheyraadka xoolaha ee Turkiga Faruk Çelik, wasiirka horumarinta Lütfi Elvan iyo xoghayaha guud ee madaxtooyada Turkiga Fahri Kasirga iyo kuxigeenkiisa ahna afhyeenka madaxtooyada Ibrahim.

Soo dhaweynta kadib kulan heer wafti ah oo ay Labada madaxweyne yeesheen ayaa looga wadahadlay arrimo badan oo ku saabsan waxbarashada, abaaraha Soomaaliya iyo xaaladda gobolka iyo tan adduunka.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxweyne Farmaajo Cabdinuur Maxamed Oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in labada Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Rajab Dayyib Erdogan ay isku af garteen in la xoojiyo deeqaha waxbarasho ee ay dowladda Turkigu siiso ardayda Soomaaliyeed iyo iney gacan ka geysato taageerada goobaha waxbarasho ee dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa sheegaya in booqashada madaxweyne Farmaajo ay tahay mid rasmi ah oo qaadaneysa 3 cisho, iyadoo labada dowladoodna ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dhinac, xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida aa ka soo xigannay wakaallada wararka Turkiga ee Anatolia.

Si kastaba, dalka Turkiga ayaa si weyn u bixiyay deeqo waxbarasho kumaan arday oo Soomaali ahna ay si wanaagsan uga faa’ideysteen, iyadoo sanad kastana ay  Turkiga waxbarasho u tagaan arday farabadan oo ka kala socda gobollada kala duwan ee dalka.

farmaajo iyo erdogan farmaajo

 

Related Articles

Close