CaafimaadkaWararka

Tijaabadii Ugu Horreysay ee Rixim Gacmeed ah oo Lagu Guulaysto

Culumada Sayniska ayaa ku guuleystay iney horumariyaan isla markaana ay tirjaabiyaabiyaan riximkii ugu horreeyay ee gacan ku sameys ah, looguna talogalay korinta ilmaha dhiciska ah,  muddo 4 isbuuc ku dhawaad ah, arrinkan oo yareynaya khatar dhalmada xilligeedii ka soo hor marta ee aadanaha.

Koox ka tirsan culumada caafimaadka oo uu hoggaaminayo Alan Flick oo dhakhtar qalliin ka ah cisbitaalka dhallaanka ee Phladelphia, ayaa sameeyay cilmibaaristan oo lagu faafiyay joornaalka Nature.

Dr.Flick ayaa yiri, “Markaan awood u yeelanno inaan muddo isbuucyo ah ka qeybqaadanno korintaanka xubnaha, waxaa noo suurtogaleysa inaan wax u qabanno caruurta dhiciska ah”.

Riximkan cusub oo loo adeegsano qalabka “Biobag” ee la hormariyay, si loo hubiyo inuu dhiiggu sidii caadiga ahayd ugu wareegayo xidida dhiigga uur-kujirta iyo rogroggiddooda, iyadoo loo diyaariyay The Closed oo ah degaan xiran oo mugdi ah oo dareere ah, taas oo kobcineysa haragga sare kana ilaalineysa jeermiska iyo dhibaatooyinka kale, iyadoo ay intaa u dheer tahay in xundhurta uur kujirta lagu diyaariyay qalab sidii xididda dhiiga oo kale u shaqeynaya, isla markaana la falgalaya in badan oo ka mid ah shaqooyinka la xiriira xundhurta.

Culumadan ayaa isku dayay iney diyaariyaan deegaan ay ka buuxaan dareere u dhigma kii riximka hooyada oo kale, lagana helayo Oksijiin iyo maaddooyinka cunto iyo qanshin saarkii si uu u baahnaa uur- kujirtu.

rxim

Riximkan gacan ku sameyska ah ayaan marnaba bedel u noqon karin kan hooyada laakiin ulajeedadiisu waa in lagu badbaadiyo ilmaha yar ee dhasha isbuuca 23, 28 ee dhiciskana ah.

Saddexda sanno ee soo aaddan ayaa waxaa bilaabaneysa in qabalkan cusub lagu tijaabiyo aadanaha, iyadoo  hadda lagu tijaabiyay xayaanno kala duwan lagu guuleystay.

Related Articles

Close