CaafimaadkaWararka

W.H.O: Tallaalkii Ugu Horreeyay ee Cudurka Duumada ah oo Dhaqangelaya Sanadka 2018

Ururka caafimaadka adduunka “W.H.O” ayaa soo saaray tallaalkii ugu horreeyay ee looga hortagayo mallaariyada(Duumada), kaas oo diyaar noqonaya sanadka 2018, iyadoo la awoodi doono in lagu badbaadiyo kumanaan ruux oo aadane ah.

Sida qorshuhu yahay tijaabadan tallaalka cusub ayaa lagu bilaabayaa caruurta Duumadu hayso ee Ghana, Kenya, Malawi, sanadka soo aaddan.

Mallaariyada(Duumada) ayaa sanadkii ku dhacda 200 milyan oo qof dunida daafaheeda, waxaana u geeriyooda Nus milyan sanad kasta, intooda badanina ay tahay caruur.

Tijaabada tallaalkan cusub ayaa lagu bilaabayaa 120 kun oo caruur ah da’dooduna ay tahay 5-17 bilood, si loo ogaado tallaalka ay qaataan saameynta uu ku yeelanayo noloshooda caadiga ah, difaaca jirkoodana uu uga howlgalayo.

Africa, gaar ahaan koonfurta Sub-Sahara ayaa ah goobaha ugu badan ee cudurka duumada uu dhibaatada ka geysto, sanadkii 2015,  90% dhacdooyinkii dhimasho ee cudurku uu halkaa u badnaa, sunta Duumada iyo marakaneecooyinka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan   ee looga hortago malleeriyada.

tallaal

W.H.O ayaa sheegtay in dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo cudurka Malleeriyada ay keentay in hoos u dhac uu ku yimaaddo %62 dhibaatadii cudurka, inta u dhaxaysay sanadkii 2000-2015.

W.H.O ayaa qorsheheedu yahay in la ciribtiro cudurka Duumada(Maleeriyada), marka la gaaro sanadka 2040, waxaana xusid mudan in shirkadda “GlaxoSmithKline” ee dawooyinka soosaarta ay tahay tan tallaalka cusub ee Duumada soo saartay, xilliga koowaad ee mashuurcan waxaa lagu maalgeliyay 49 milyan oo dollar oo ay bixiyeen “global vaccine alliance GAVI”, “UNITAID”, “Global Fund” oo la dagaalanta Aids-ka, TP-da iyo Duumada(Maleeriyada).

Isha Warka: Daily Mail  

Related Articles

Close