arrimaha bulshadaDugsiyadaiskuulladaJaamacadahaWararkaWaxbarashada

Xaflad Lagu Abaalmarin Iskuulaadkii Ku Guuleysta Tartan Aqooneedkii Kedis ee 2015-2016 oo Maanta Ka Dhadcay Muqdisho

Xaflad Lagu Abaalmarinayo Dugsiyaddii Kaalmaha Koowaad Ka Galay Tartan Aqooneedkii Kedis Oo Maanta lagu qabtay Muqdisho.

Tartankan oo sanad dugsiyeedkiiba mar la qabto ayaa waxaa fulintiisa iska kaashanayay Idaacadaha Maandeeq Fm, Goobjoog Fm oo bah wadaag ah, iyo  Jaamacadda SIMAD oo tartanka taabogelinaysay.

64 ka tirsan dugsiyada sare ee gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay tartanka, iyadoo kaalinta koowaad uu galay dugsiga Al-Manaar, halka Anas Bin Maalik uu kaalinta Labaad  galay, aradaydii mataleysay dugsiga Muzamil ay iyaguna galeen kaaalinta Seddexaad.

Sheekh C/raxmaan Sheekh Yuusuf, gudoomiyaha gudigga tartankii Kedis oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sharxay ujeedooyinkii tartanka iyo faa’idooyinkii laga dhaxlay:

“Marka ugu horreysa in aqoon kororsi la sameeyo, ardayguna uu halkaa aqoon wanaagsan ka helo maadaama waxa lagu tartamayaa ay aqoon yihiin, midda Labaad ayaa ah isbarashada iyo is dhexgalka ardayda iskuulaadka kala duwan ee tartamay, ulajeedada kale ee laga leeyahay waxay tahay in taariikhda Soomaaliya ay ardaydu ku bartaan, iyo eray bixintii cilmigana luqadda Soomaaliga ah lagu fahmo, maadaama su’aal weydiintu ay ahayd luqadda Soomaaliga, ardaygii Ingilsh wax ku barayay iyo kii Carabiga ku barayay labadiiba waxaa iskugu yimaaddeen luqaddii Soomaaliga”.

Xasan Cabdi Maxamed, agaasimaha idaacadda Maandeeq Fm ayaa sheegay in laga mira dhaliyay ujeedooyinkii laga lahaa tartanka, isagoona hoosta ka xarriiqay in tartamo kale ay idaacaddu qaban doonto xilliyada soo aaddan:

“Annagoo dareensan in ulajeedka aan u qabannay tartankaasi uu ahaa mid miro dhal ah oo dhamaanteen waan wada guuleysannay, ardaydii tartanka ka qeybgashay kaligood kama aaney faa’idine, dhamaan ardayga gobolka oo dhan labada idaacadood ee Goobjoog Fm iyo Maandeeq Fm ayay si toos ah uga dhageysanayeen, looguna soo celinayay cidii uu dhaafo, aadbaan ugu mahadcelinayaa ardaydii ka qeybgashay, Maandeeq Fm way qaban doontaa tartanka kedib iyo mid kale oo loogu talogalay xidiga dugsiga oo qabanqaabadiisu socoto, tartanka kale oo suugaanta ahna waan soo bandhigi doonna, idaacaduna idinka ayay marwalba idiin furan tahay”, ayuu yiri agaasimaha.

Maxamuud Maxamed Siyaad oo ku hadlay magaca maamulka Jaamacadda Simad ayaa sharrxay  dadaalka ay ku bixiyeen qabsoomidda tartan aqooneedka Kedis, waxaana hadalkiisii kamid ahaa:

“Juhdi badan ayaa ku baxay, haddey ahaan lahayd ardayda, maamulka iyo idaacadaba oo waddayba, Jaamacadda SIMAD mas’uuliyadeeda ugu weyn waxa waaye iney gacan ka siiso suurtogeliso, meelo ay ku qabsadaan howlaha amaba iney damaanad qaadday howsha guud ahaan tartanka, waana mas’uuliyad gaar ah oo naga saran bulshada” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Siyaad.

Gagagabadii xafladda oo ka dhacaysay xarunta Jaamcadda SIMAD ee warshadaha, ayaa waxaa abaalarinno kala duwan la gudoonsiiyay maamullada iyo ardayda dugsiyadii  Al-Manaar,  Anas Bin Maalik iyo Muzamil Oo Saddexda kaalmood ee ugu horreeyay ka galay tartanka.

tartan tartan1 tartan2

tartan4 tartan5

Related Articles

Close