WacyigelinWararka

12 Qodob oo Kuu Horseedaya Inaad Ku Guuleysato Waxbarashada

Arday walba oo waxbarashada ku gudajira waxa uu jecelahay in uu ku guulaysto waxbarashadiisa, heer sarena uu ka gaaro , subax walba kumanaan arday ah ayaa u kalaha goobaha waxbarasho, hadafkooduna yahay iney ku guuleystaan aqoonta iyo waxbarashada.

Hadaba waxbarashada sidee ayaan loogu guulaysan karnaa? una noqon kartaa arday wanaagsan waqtigiisa iyo dadaalkiisama ka miro dhaliya.

Talaabooyinka soo socda waxaan ku  eegi doonnaa nidaamka ugu wanaagsan ee ardaygu ku guulaysan inta uu waxbarashada ku dhex jiro:

1-Marwalba oo aad doonayso in aad wax akhriso waa in aad akhrisaa qaar kamid ah aayadaha qur’aanka kariimka ah oo  waxa ugu  wanaagsan ee la akhriyo ah.

2-  In aad doorato meel  ku haboon akhrinta  kana fogow meelaha dadku ku badan yahay, waa in aad yeelataa meel kuu goonni ah oo aad wax ku akhrisato.

3-Jadwala fiican waa in aad u samaysataa qorsheynta wakhtigaaga, jadwalkaaga waa inaad ku muujiso xilliyada  cibaadada iyo la kulanka asxaaba oo muhiim u ah nolosha caadiga ah.

4- Ku dadaal inaad wax ku akhriso iftiin kugu filan.

5- Marka aad casharka akhrineyso waa in aan dulmartaa casharka oo dhan ka dibna aad qeyb qeyb u akhrisataa iskuna daydaa in aad diiwaan geliso meelaha ugu muhiimsan ee casharka.

6- Ka fogow dheregga badan, waayo? waxa uu kuu horseedaa caajis.

7- Hadii aad doonaysa in aad guulaysato isku day in aad keligaa wax akhrisato .

8- Wax walba oo kaa mashquulinaya in aad casharkaaga akhrisato ka fogow  sida

Talefoonka ,telefishinka, sheekada, ….I.W.M

9-  Marka aad dareento daal isku day in aad  shan daqiiqo nasato si aad uga caajisin casharka.

10-Isku day in aad mar walba  seexato waqti kugu filan , mar walba oo aad seexato waqti kugu filan waxa aad helaysaa firfircooni badan oo aad ku akhrisato casharkaaga.

11- Ogow  horumarka waxbarashadaada waxaa qeyb ka ah in aad dhegeysato macallinkaaga, waayo? hadii aadan casharka si fiican u dhegeysan waxaa kugu adkaaneysa hadhowto akhriskiisa iyo fahamkiisa.

12-  Marwalba waa in aad Alle u mahadceliso kana barido inaad guuleysato.

Qodobadaasi waa qodobada kuu horseedaya in aad waxbarashadadaada ku guulaysato dhamaantiin waxaan idiin rajeynanaa guul .

W/D: Ustaad, Xasan Cabdi Maxamed

Related Articles

Close