CaafimaadkaWararka

Isbitaalka Qansax-dheere oo la ciirciiraya Dad uu Soo ritay Shuban Biyood

15 qof oo uu soo ritey cudurka shuban biyoodka ayaa  la dhigay isbitaalka degmada Qansax-dheere ee gobolka Bakool, halkaasi oo horey dad kale u jiifeen cudurkaas.

Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere Isaaq Maxamuud oo la hadlay Goobjoog FM oo ay bahwaad yihiin idaacadda Maandeeq FM ayaa sheegay in dadkani qaarkood, laga keenay deegaanno ku dhow degmada Qansax Dheere.

Waxa uu xusay iney jireen dad degmada ugu dhintay cudurka Shuban biyoodka, balse ma’aanuu sheegin tirada dadkaasi, isagoo dhanka kalena sheegay in isbitaalka hadda la ciir ciirayo bukaan badan oo cudurku uu soo ritay.

“Maalin walbo dad ayaa la geeyaa Isbitaalka, hadda waxaa la dhigay 14 qof, horeyna dad kale ayaa isbitaalka u yaallay, degmada iyo deegaannada ku dhow ayaa dadka laga keenayaa, xaaladooda qaarna aad ayeey u liidataa” ayuu yiri guddoomiye Isaaq.

Guddoomiye Isaaq ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samofalka ah in gurmad degdeg ah, lala soo gaaro dadka ku xanuunsanaya degmada Qansax-dheere.

Shiban biyoodka ayaa hadda ka dillaacay deegaanno kala duwan oo dalka ah, iyadoo dadka uu soo ritay ay kor u sii dhaafayaa illaa 23,000 oo qof.

Related Articles

Close