CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Sanadka 2045, Dhiigga Aadanaha oo Lagu Beerayo Robot Ilaaliya Caafimaadka Jirka

Culumada odorsta tiknoloojiyadda iyo waxyaabaha laga filayo sanadaha soo aaddan ayaa sheegaya in sanadka 2045 uu dhici doono isbedel dhanka teknoloojiyadda ah duniduna ay gaari doono xilli ay si dhaw iskula shaqeeybaan tiknoloojiyadda iyo cilmiga biology-ga.

Maamulaha dhanka engineering-ka iyo odorska mustaqabalka tiknoloojiyadda ee shirkadda Google, Ray Kurzweil, ayaa ka hadlay waxyaabo ay ku fakarayeen xilliyadii dambe, oo ay ka mid yihiin iney filanayaan in horumar gaar ah oo tiknoloojiyadeed la tiigsano  marka la gaaro sanadka 2045.

Taasina kama dhigna ayuu yiri in Aadanaha ay dhibaato u tahay, gaar ahaan marka laga hadlayo maskaxda macmalka ah ee rebots-ka oo dad badani ay cabsi ka qabaan in ay shaqo la’aan ku ridi noonaan dad farabadan, waxa uu yiri; aadunu waxa uu noqon doonaa mid ka maskax wanaagsan xilliga hadda, iyadoo lagu taageeri doono aalado robots ah oo caafimaadka iyo kobcinta garaadkiisa wax ka tara, waa sida uu sheegayo Kurzweil.

Kurzweil ayaa aaminsan in robots-ka nanobots in jirka aadanaha lagu beeridoono marka la gaaro 2030, dhiiggeenana ay ku socon doonto, robots-kaas ayaa  illaalinaya si joogto ah caafimaadka qofka, maskaxdeedana waxaan ku xiran doonnaa maskax dheeraad ah oo garaadkeena fekerka si weyn ugu kobcisa “The cloud”.

Caalim kale oo dhanka mustaqbalka tiknoloojiyadda odorsa oo la yiraado Dave Evans, oo ah aasaasaha shirkadda “Stringify”, ayaa isna soo bandhigay fikrad aad ugu dhaw tan Kurzweil, waxa uu sheegay caalimkani inuu aaminsan yahay iney isku milmidoonaan tiknoloojiyadda iyo cilmiga biology-ga, waxaanuu sheegay saddex marxaladoo oo kala duwan oo iskaashigaasi uu u dhici doono, aaladaha waan xirannaa waa sida ay hadda xaaladdu tahay, in aaladdihii lagu beero xubnaha jirka aadanaha, waana meesha loo socdo, ayuu yiri, marxaladda saddexaad ayuu ku sheegay iney tahay  aalado oo la falgalaya xubnaaha jirka aadnaha xubnaha qaarna bedel u noqon doona.

Related Articles

Close