CaafimaadkaWararka

Cilmibaaris: Hawada Gudaha Gaarigaaga oo Ka Wasakh Badan 10-laab Tan Waddooyinka

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in gawaadhida casriga ah hawada gudahoodu ay ka sun badan yihiin 10-laab, hawada caadiga ah ee dibadda gawaadhida.

Cilmibaaristan ayaa sheegay in 10 milyan oo waxyaabo il maqabiti ah oo sun ah uu qofku ka qaato halkii neefsi gudaha gaariga.

Nick Molden oo ah maamulaha shirkad baaritaanno ku sameysa hawo wasakhowga oo ah shirkad si gaar ah ula socota hawada gawaadhida Yurub iyo Mareykanka, ayaa ka digay suurtogalnimada in darawallada gawaarida iyo dadka rakaabka ah ee kale ay waajahaan iney ku neefsadaan il maqabati sun ah ee hawada gawaadhida, gaar ahaan marka hawada gawaadhidu ay isku cabursan tahay.

Cilmibaaristan ayaa lagu sameeyay CM3 (centimitir saddex jibaaran oo kasta)  muddo 4 saacadood  ah oo lagu kaxeeyay gawaadhida magaalooyinka, miyiga iyo waddooyinka dhaadheer.

Waxaana ka soo baxday in gawaadhidan casiriga ah laga helay  halkii CM3 20 kun oo waxyaabo il maqabatay  sun ah, dadka qaangaarka ah ayaa ay dhici kartaa iney markaliya ku neefsadaan 500 CM3, taas oo ka dhigan in halkii mar ay neefsadaan ay qaadanayaan 10 Milya oo walxo sun ah oo il maqabatay ah.

Qaramada Midoobay ayaa hadda ganacta ku haysa mashuurc lagu diyaarinayo in halbeeg caalami ah loo helo nooca hawada looga baahan yahay gudaha baabuurta, waana sida Mike Hawes oo ka tirsan urur ganacsatada baabuurta uu u sheegay jadiidada “Sunday Times”.

Waxaa hadda durbaba bilowday baaritaanno iyo cilibaarisyo cusub oo lagu sameynayo noocyo kala duwan oo gawaari ah, si loo gaaro natiijo kamadambys ah oo suurtagal ah iney saameyn ku yeelato qaar ka mid ah dadka gawaadhida iibsada.

Qiiqa iyo suntan gudaha gawaarida ayaa waxaa u geeriyooda 40 kun oo qof sanadkii, dalka Ingiriiska oo kaliya.

Close up photo of a businessman driving a car

Related Articles

Close