WacyigelinWararka

Faa’iidooyinka Laga Dhaxlo Wax Akhrinta Wanaagsan

  Marka aanu ka hadlayno akhriska iyo faa’iidooyinka uu leeyahay  maaha kuwa lasoo koobi karo,  umad walibana waxay  horumar ku gaartaa dadkeeda oo akhriska badiya, aqoon fiicaanna leh, waana tan ay  dowladaha shisheeye horumar ku gaareen.

Diinteena islaamka waxa ay nagu baraarujinaysay akhrinta iney tahay  nolosha qofka oo dhan, waana tan lagu amray nabi muxamed *N.N.K) eraygii ugu horeeyay ee  la faray waxa uu ahaa akhri waana farriin guud oo umadda muslimka ah.

Hadii aan uguda galno akhriska iyo faa’iidada uu leeyay waxaan oran karnaa qeyb badan ayuu faa’iido u leeyahay sida:

Kobcinta Garaadka

Garaadku waa xubin ka mid ah xubnaha jirka bini aadanka waxa uuna u baahanyahay  in mar walba la kobciyo, waxyaabaha lagu kobciyana  waxaa ka mid ah akhriska in uu noqdo mid  joogta culumada ku xeel dheeri arimaha caafimaadka waxa ay tilmaamayaa in qofka akhriska badan in uu ka caafimaad badan yahay garaad ahaan qofka aan waxba akhrin .

Ka hortagga walwalka

Waxaan shaki ku jirin in qof walba oo dunidan ku nool in mararka qaar uu la kulmo  walwal ka yimaada dhanka shaqada ama qoyska , walalkaas wax yaabaha looga hortegi karo waxaa ka mid ah in qofku uu waxa akhriyo sida  qu’aanka kariinka oo ha waxa ugu fiican ee qofku uu ku iloobi karo walwalkiisa, sidoo kale sheekooyinka xiisaha badan.

Aqoon kororsi

Waxaa hubaal ah in akhrisku uu  kuu horseedayo horumarka noloshaada gaar ahaan marka aad akhriso waxa aad jeceshahay, waayo waxaa kuu kordhaya aqoon badan waxaadna noqonaysaa qof aqoon badan u leh takhasuskiisa, waxaana jira kutub badan marka aad akhriso aad ka helayo fikrado wanaagsan isla markaana aad ku maaraynayso noloshaada.

Eraybixin fiican

Marwalba oo akhriskaagu badan yahay waxaa hubaal ah in aad ka faa’iidaysanayso erayo badan oo aadan horay u aqoon, eray bixintaasi waxa ay kuu horseedaysaa in aad ka soocnaato dadka kale .

Qoraal fiican

Marka aan ka hadlayo qoraal fiican waxaan ula jeedka  in qof walba qofka uu ka akhris badanyahay ayuu ka qoraal fiican yahay . akhriskuna waxa uu kuu horseeday in qoraalkaagu uu noqdo mid wanaagsan oo la fahmi karo .

Deganaasho

Mar walba oo aad waxa akhrinayso ama aa wax qorayso waxaad dareemaysa deganaasho joogta gaar ahaan intaa wax akhrinayo, waxayna ka mid tahay  faa’iidooyinka akhriska

Ugu  danbeyntii waxaad ogaataa sida loo kala wax akhrin badan yahay ayaa loo kala cilmi iyo aqoon badan yahay, dadkeena oo wax akhriyana waa dalkeena oo horumara, waa tii xikmaddu ahayd (خير جليس في الزمان كتاب ), taasoo macneheedu yahay saaxiibka ugu wanaagsan waa buugga illeen marnaba kama qalooneyside.

 

W/D: Ustaad Xasan Cabdi Maxamed

Related Articles

Close