DugsiyadaiskuulladaWararka

Shir Ku Saabsan Meel Marinta iyo Qiimeynta Manhajka Dugsiyada Sare Ee Puntland Oo Ka Furmay Garoowe

Shir ku saabsan meelmarinta manhaj midaysan ee Dugsiyada sare ee Puntland oo ka furmay magaalo madaxda maamulkaas ee Garoowe.

Shirkan ayaa ahaa turxaan bixinta iyo meel marinta qaab dhismeedka manhajka loogu talagalay ardayda dugsiyada sare ee deegaanada Puntland, kaa oo dadaalladiisu ay ka soconayeen xarunta maamulka ee Garoowe.

shirkan oo Laba cisho soconaya ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo kaashaneysa hay’adaha Mercy Cope iyo AET oo waxbarashada ka shaqeeya.

Waxaa ka qeyb galaya wasiirka iyo wasiir ku xigeen waxbarashada Puntland , agaasimaha guud ee wasaaradaasi, kormeerayaasha wasaaradda oo ay wehlinayaa madaxda hay’adda Mercy Cope iyo AET.

Maxamed C/qaadir Cismaan, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa ku tilmaamay qorshaha diyaarinta manhajka mid qaran, isagoo tilmaamay in bulshada qeybaheeda kala duwan ay kaalin ka qaateen diyeerinta manhajka dugsiyada sare.

“Dadaalkeenna mustaqbalka dhaw waa in ardaygu helo maado waliba buugeeda hadduu ahaan alahaa dugsi hoose, midka dhexe amaba dugsiga sare” ayuu yiri agaasime Maxamed C/qaadir.

Abshir Yuusuf Ciise,Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland  oo shirka daahfuray ayaa u mahadceliyay hay’adaha taageerada siiya wasaarashada.

Ugu dambeyn,  shirkan ayaa u muuqda mid aaney kaalin firfircoon ku lahayn wasaaradda waxbarashada Federaalka iyadoo aan la ogayn in manhajkani uu Puntland ku kooban yahay iyo in kale.

puntland

Related Articles

Close