DugsiyadaiskuulladaJaamacadahaWararka

Tababar Ku Aaddan Sida Loo Xusho Takhasuska Kulliyadaha Jaamacadda oo Arday Loogu Qabtay Magaalada Muqdisho

 Arday ka mid ah kuwa sanadkaan dhameystay waxbarashada dugsiga sare, ayaa magaalada muqdisho  lagu siiyay tababar ku aaddan sida loo xusho takhasuska kuliyadaha jaamacadaha.

Tababarkan ayaa waxaa ardada usoo qabanqaabiyay Sehdo 00 ah urur ka shaqeya howlaha waxbarashada Iyo hormarinta aadanaha iyo jaamacadda SIU.

Barayaal kala duwan ayaa ardayda waxa ay siiyeen macluumaad ku aadan sida ugu fudud ee ardayga ku xulan karo kuliyadda mustaqbalkiisa u wanaagsan.

Cali Maxamed Cali  Caafi  Gudoomiye ku xigeenka Ururka Sehda ayaa Maandeeq FM  u sharraxay waxyaabaha ay uqabtaan ardayda, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxaan siinnay tababar ku saabsan sida loo kala xusho kuliyadaha jaamacadda maadama ay ardadan yihiin kuwo sanadkan qorshaynaya iney wax ka bartaan jaamacado”.

Mahad Cali Shire agaasimaha guud ee Ururka Sehdo ayaa isna u sheegay Maandeeq Fm in Horey tababarro sidan Oo kale ay ay u siiyeen arady badan oo ku nool caasimada Muqdisho hadana ay wadaan qorshe Gobollada ay ku Gaarsiinayaan wax qabadkooda.

Shaafici Diiriye Cabdi Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada SIU ayaa ardada tababarka qaatay kula taliyay Iney doortaan kuliyada ay Jecelyihiin balse aysan xiiso u gelin kuliyadaha jaamacada ay qorsheynayaan Iney wax ka bartaan

Si kastaba, siminaarada noocan oo kale ah ayaa qeyb weyn ka qaata xulashada mustaqbalka ardayga iyo inuu qaato go’aanka ku habboon ee noloshiisa.

 

Related Articles

Close