WacyigelinWararka

Faa’iddooyinka Wanaagsan ee Laga Dhaxlo Maareynta Wakhtiga

Waqtiga iyo qiimaha uu nolosha u leeyahay waa mid Alle (S.W) uu noogu sheegay aayadaha Qur’aanka kariimka ah, waxa uu ku dhaartay qeybo ka mid ah wakhtiga, shareecadeenuna waxa ay na faraysaa in aan ka faa’iidaysanno waqtigeena si fiicanaha nacfi badan.

Axaadiista nabigeena suubban (N.N.K.H)  waxay na farayaan ilaalinta waqtiga, waxaad ku dareemi kartaa waqtiga iyo qiimaha uu noogu fadhiyo Shanta salaadood oo ah kuwa xadidan salaad kasta, lagamana yaabo in aad tukato waqti aan waqtigeeda ahayn.

Saxaabiga la yiraahdo Cabdullaahi bin Mascuud(R.C) ayaa laga soo wariyay inuu yiri, waxaan aad u dhibsadaa inaan arko qof aan wakhtigiisa ka faa’iidaysaneyn arrin adduun ama mid aakhiro.

Hadaba su’aasho waxay tahay sideen wakhtigeenna uga  faa’iidaysan  karnaa?

Si aad waqtigaaga qiimihiisa u ogaato ugana faa’iidaysato raac tilmaamaha soo socda:

ulajeedka waqtigaagu hakuu cadaado oo qorshe yeelo.

In aad ku fekerto wixii aad qaban lahayd,  sida aad u qaban lahayd, kala horreynta hortabinta koowaad, Labaad, …

In waqti gaaban aad ku qabato hawl badan, waxyaabaha kuu sahli kara inaad wakhti yar howlbadan ku qabatana waa inaad barato.

In aad ka hortagto mushkilado badan adiga oo u maray  waqti gaaban, ogow mar kasta inaad u baahan tahay tababar iyo go’aan dhankaaga ah, sidii aad u fulin lahad qodobkan.

marwalba oo wakhtigaaga aad ka faa’iidaysato naftaadu waxay dareentaa farxad, waa abaalmarin kuu jiidaysa dhanka horumarka.

marwalba oo aad  ilaaliso waqtiga iyo qiimihiisa waxaad noqonaysaa qof raja wanaagsan kale nolosha horumarkiisuna uu joogto yahay.

mar walba oo aad ilaaliso waqtiga waxaad ka hortegeysaa hawlo badan oo dib u dhic keeni  lahaa.

Haddii aad Ilaaliso wakhtiga waxaad ka hortegeysaa walwalka,  waxaadna bilaabaysaa maalin walba nolol wanaagsan oo quruxbadan.

Hadaba, Dadka  intooda badan kuma qanacsana nidaamka ay  noloshooda ku maaraynayaan sabatuna waxa ay tahay in aysan garanayn wakhtiga iyo qiimihiisa, culumada cilmi nafsiga ayaa waxa ay sheegayaan in walwalka  badan ee dadka qaar ku dhaca ay sabab u  tahay ayaga oo aan ka faa’iidaysan waqtigooda, taasina ay  u keenayso cafimaad xumo iyo naftii oo is canaaneysa si joogto ah.

maareynta wakhtiga

Hadii aad si qoto dheer u fiiriso qaabka dunidu ay  ku socto iyo nidaamka Alle ugu tala galay, waa mid ku salaysan wakhti, maalinna arki maysidi iyadoo la leeyahay qoraxi ma soo bixin…, I.WM.

In aan ka faa’iidaysan  waqtigeena  uga faa’idaysanno waxwalba oo wanaagsana waxaan ku gaaraynaa guul, noloshuna waxa ay noqonaysaa mid wacan oo aad u dhadhameysa.

الوقت كالسيف إن لم تقطعه قطعك  (Wakhtigu waa Seef oo kale, inta aanuu ku jarin adigu jar)

W/D : Ustaad, Xasan Cabdi Maxamed

 

 

Related Articles

Close