arrimaha bulshadaJaamacadahaWararka

Koorasyo Cusub oo Lagu Baranayo Nolosha iyo Dhaqanka Soomaalida oo Ka Bilowday Qaar Ka Mid ah Jaamacadaha Mareykanka

Dalka Mareykanka ayaa waxa ka jira rabitaan isasoo taraya oo lagu baranayo dhaqanka iyo hidaha Soomaalida, gaar ahaan  jaamacadaha gobolka Mennesota oo Soomaalidu ay aadka ugu badan tahay.

Sida aan kasoo xigannay wargeysa SCTimes ee kasoo baxa gudaha dalka Mareykanka, Labada urur ee kala ah, The Central Minnesota Community Empowerment Organization iyo Cultural Bridges are offering, ayaa waxay dhiirigelinayaan barashada dhaqanka iyo nolosha Soomaalida ku nool gudaha Mennesota.

Professor ka tirsan College-ka St.Benedict iyo St. John’s University ayaa yiri; “Markii uu soo baxay buugga Huda Ibraahim, waxa uu noqday qoraalkii ugu habboonaa ee wax lagu bilaabi karay”.

Buugga Huda Ibraahim ee manhajka u noqonaya qaar ka mid ah jaamacadaha Minnesota ayaa ka kooban 34 kulan oo ay Huda la yeelatay bulshada Soomaaliyeed ee daggan Minnesota oo ay kala hadshay mowduucyo kala duwan oo ku saabsan dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida.

Dadka xiiseynaya barashada dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliga ayaa ubadan dad caddaan ah oo ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo kuwo kale oo aqoon kororsi u daneynaya.

Si kasta, dadka Af-Soomaaliga barta ayaa waxaa ka horyimaadda dhibaatooyin dhanka naxwaha ah oo u baahan lafagur badan iyo tayayn sahli karta in qofka ajinabiga ah uu si fudud ku baran karo, luuqadda Af-Soomaaliga.

 

 

Related Articles

Close