DugsiyadaiskuulladaWararka

Madaxweyne Ku Xigeenka Imaaraatka Carabta oo 10 Maktabadood U Bixinaya Magaca Ardayad Algerian ah

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna ra’isul wasaaraha iyo xaakimka Dibai ee dalka Imaaratka Carabta Maxamed ibnu Raashid Aal Maktuum, ayaa tacsi u diray ehelka iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Faadumo Gulam oo ahayd ardayad u dhalatay dalka Algeria oo taran cilmiyeed iyadoo u socota shil gaari ku geeriyootay.

Faadumo Gulam ayay dhacdadan naxdinta leh lasoo gudboonaatay  xilli ay safar baaruur ku jartay oo ay jarayeen masaafo dhan 1500 KM oo qaadaneysay 18 saacadood oo xiriir ah , si ay mar un u gaarto caasimadda Algeria ugana qeybgasho is reebreebka tartanka Akhris ah oo heer waddan, kaas oo ka socda inta badan wadamada Carabta.

Sheikh Maxamed binu Raashid ayaa ammaan ballaaran usoo jeediyay ardayda iyo dadka Algeria oo dhan, kawaas oo ka qeybgalka tartanka wax akhriska sanadkan uu gaaray 2 milayn iyo 200 oo kun oo arday, waxa uuna tilmaamay in Algeria ay tahay waddanka aqoonta iyo cilmiga.

Maxamed binu Raashid ayaa amray in la diyaariyo 10 maktabadood oo wata magaca ardaydii Faadumo Gulan, taas oo tusaale wanaagsan oo aan horey loo arkin u noqotay arday badan oo wadamada carabta ah,  waxa uu yiri, “Sida Buugaagtu ay akhtistayaal u leeyihiin, ayaa dad shuhado ahna ay u leedahay”.

Faadumo ayaa tusaale ay ku daydaan u noqotay 7 milayn oo arday oo ka kala socoda dhammaan daafaha wadamada Carabta oo ka qeybgalay tartanka wax akhtirnta sanadkan, si loo xaqiijiyo arday cilmi iyo aqoon badan, wadamadooduna ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee ka faa’ida, waana tartan ay dowladda Imaaraatku soo qabanqaabiso abaalmarintiisana ay iyadu bixiso.

Sanadkii hore ayaa waxaa tartankan ku guuleystay kaalinta koowaadna galay arday Algerian ah oo 7 sano jir ah.

Related Articles

Close