DugsiyadaiskuulladaWararka

Saameynta Ay Abaartu Ku Yeelatay Waxbarashada Qaar Ka Mid ah Ardaydii Dugsiyada Gobolka Bay

Abaarta guud ahaan dalka ka jirtaa waxay saameyn ku yeelatay waxbarashada ardayda danyarta ah ee ku nool gobollada kala duwan, iyadoo ay khasab ku noqotay qaarkood iney ka guuraan goobahoodii waxbarasho.

Ardayda  gabdho ah oo wax ka bartaan dugsiga Gabdhaha ee Cabdalla Deeroow ee Beydhabo, ayaa 40 arday ay abaartu ku khasabtay iney waxbarashadoodii joojiyaan isla markaana ay u guuraan halkii noloshu ay u riixday si ay ula tacaalaan xaaladaha abaarta ay ee qabsatay.

Xaawo C/llaahi, Maamulaha dugsigaasi ayaa Maandeeq FM la hadashay iyadoo  ku sugan Magaalada Beydhobo, waxay inooga warbixisay xaalada dugsiga iyo ardayda kusoo biirtay iyo kuwa kale oo ay abaartu barakicisay:

“Caruur kusoo korodhay dugsiga way jiraan, qaar kasii tagayna way jiraan, maadaama ay abaaro xooggan ka jiraan gobolka, galin horena buusha ayay aadaan gelinka dambena waxbarashada ayay yimaaddaan, qaarka naga tagay maahane qaarka nagusoo kordhay ayaa badan, Illaa iyo 40 ayaa naga tagtay illaa iyo 80 way nagu soo kordhay”, ayay tiri maamule Xaawo C/llaahi.

Waxay maamuluhu noo sheegtay in ardayda ka tagtay dugsiga ay u badnaayeen qosas dan yar ah oo u guuray xeryo barakacayaal ah oo lagu quudiyo.

“Qoyasas dan yar ayay ahaayeen, magaaladana si weyn ayay abaari uga jirtay, markaa buushashka ayay ka doonteen caawinaad, qaar Labaad ayay ahaayeen, qaana Saddexaad ayay ahaayeen, qaar kalena Afaraad ayay ahaayeen”.

Iskuulka Cabdalla Deerow ayaa ah mid ay wax ku bartaan gabdho oo kaliya, waxa uu qaadaa illaa 2000 oo arday, waxaana hadda dhigta illaa 900 oo arday fasallada kala duwan ee iskuulka

cabdalla deerow

 

Related Articles

Close