arrimaha bulshadaWararka

Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed oo Hambalyo Loo Diray Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee wasaaradda Shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Macallin Cilmi ayaa hambalyo u diray shaqaale weynaha Soomaaliyeed munaasabadda 1, May, kana dalbaday dadka loo shaqeeyo iney ilaaliyaan xuquuqda ay leeyihiin dadka shaqaalaha ah.

Agaasimaha oo hadalkiisani uu ku soo beegmay maalinta shaqaalaha Adduunka, ayaa ugu horreyn waxa uu hambalyo u diray shaqaale weynaha Soomaaliyeed meelwalba oo uu joogo, waxa uuna yiri:

“Ugu horreyn anigoo ku hadlaya magaca guddiga qaban-qaabada xafladda 1, May,  waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha dunida u dirayaa dhammaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed, kuwa dowladda u shaqeeya iyo kuwa hay’adaha gaarka ah u shaqeeya”.

Shaqaalah weynaha Soomaaliyeed ayaa waxay soo mareen marxalado kala duwan, xilligii gumeysiga ayaa ahaa xilligii ugu dhibaatada badneyd ee soo marta shaqaalaha, halka dagaalladii sokeeye oo wali raadkoodu sii muuqdo uu ahaa xilligii Labaad ee ugu dhibaatada badneyd shaqaalah, maadaama ay yareyd iney helaan goob ammaan ah oo lagu shaqeyn karo.

Si kastab, maanta oo kale ayaa adduunka oo dhan looga dabaaldagaa maalina shaqaalah adduunka lagana qadariyaa qiimaha shaqaalaha iyo waxtarkiisa.

Related Articles

Close