DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Guddigga Ay Ku Mideysan Yihiin Dugsiyada Baydhabo Oo Ku Dhawaaqay Xilliga La Qaadayo Imtixaanka Shahaadiga Ee Dugsiyada Sare

Maamulaha dugsiga Macmuur Baydhabo Mukhtaar oo ah xoghayaha guddiga dugsiyada sare ee Baydhabo ayaa sheegay in guddiga dugsiyada sare ee baydhabo ay isla garteen imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyadaasi in la bilaabo Sabtida soo aaddan.

Xoghayaha guddiga dugsiyada Baydhabo Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa sheegay iney 6 bishan May oo ku began Sabdiga isbuuca soo aaddan ay  bilaabayaan  imtixaanka ardayda shahaadiga ah, halka ardayda kale ee aan shahaadiga ahaynna uu u bilaan doono 13 bishan.

“Baydhabo waxaa ka dhisan dallad ay iskugu yimaaddaan dugsiyada nidaamiga ah, waxaan ka ahay xoghayn, haddan waxaan ku heshiinna xilliga imtixaanka ardayda galaaska 12aad oo aan qaadayno bisha Lixdeeda oo ku beegan Sabtida soo socota, fasallada kale ee naqliga ah ee aan shahaadiga ahayn waxaan ugu talogalnay iney imtixaanka galaan 13 bisha, jadwalka aan maadooyinka ku galeyno waa jadwal isku mid ah”, ayuu yiri Mukhtaar Maxamed Guuleed.

Waxa uu xusay in maanta oo Talaado ah ay soo gabagabeyn doonaan tartan mudooyinkan ka socday dugsiga macmuur Beydhabo waxaana ku tartamay fasalladii iskugu soo baxay kamadambysta tartanka oo soo bilowday sanad dugsiyeedka horraantiisa.

Waxa uu sheegay in berri oo Arbaca ah ay qaban doonaan munaasabad ay ku soo gabogabeynayaan tartanka, taas  oo lagu abaal marin doono ardayda guuleysatay ee kaalmaha ugu horreeyay ka gashay taranka.

Ardayda kala duwan ee dugsiyada sare ee baydhabo ayaa wada dadaallo ay ugu jiraan ka qeybgalka imtixaanka mideysan oo ay qaadeyso wasaarda waxbarashada Soomaaliya, iyadoo ay taa u sii dheertay imtixaankii iskuul kasta uu si gaar ah uga qaadayay ardaydiisa shahaadiga ah.

Related Articles

Close