arrimaha bulshadaiskuulladaWararka

Maxaa Ka jira In Maadada Tarbiyada Laga Saarayo Gabi Ahaanba Manhajka Waxbarasho ee Dalka Masar?!

Wasiirka wasaaradda Awqaafta Masar Dr. Mukhtaar Jumcat ayaa beeniyay hadal hayn xooggan oo warbaahinta Masar ay isla dhex maraysay, taas oo sheegaysa in gabi ahaanba maadada Tarbiyada Islaamka laga saarayo manhajka Masar.

War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka diinta iyo Awqaafta Masar Dr. Mukhtaar ayuu kaga hadlay in maadada tarbiyadu ay tahay mid ilmaha yar lagu barayo in nafta iyo maalka iyo sharafta dadka ay badbaadiyaan, sidaa darteedna ay lagama maarmaan u tahay si ubadka looga ilaaliyo fikirka xagjirka ah laguna ilaaliyo tarbiyada wanaagsan.

Waxaaase uu tilmaamay inuu jiro buug uu hadda gacanta ku hayo Pope(Wadaadada Kiristanka ugu weyn dalka Masar) iyo imaamka,  kana hadlaya akhlaaqda, dhaqanka suubban iyo muwaadinnimada, kaas oo lagu kabi doono buugga Tarbiyada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

wasiirka awaaqfta masar

Hadalkan waxaa isna dhiniciisa ka xoojiyay wasiirka wasaaradda waxbarashada Masar Dr. Daariq Shawqi oo beeniyay iney niyadda ku hayaan in maadada tarbiyada ay gabi ahaanba meesha ka saaraan, waxa uu ku sheegay in go’aankaasi aaney labana ka wadahadlin, laakiin waxaa lagu heshiiyay ,ayuu yiri, in manhajka lagu soo daro buugg ka hadlay “Akhlaaqda, dhaqanka iyo muwaadinnimada”, iyadoo aaney arrinkaa wax saameyn ah ku yeelaneyn dhigista Tarbiyada Diineed ee iskuulaadka.

 

 

Related Articles

Close