Wararka

Warbixin: Dhibaatooyinka Waalidiinta Iyo Ardayda Soomaaliyeed Kasoo Waajahda Horumarinta Lacagaha 3 Bilood ee Dhamaadka Sanad Dugsiyeed Kasta

 Bisha  Lixaad Iyo Todobaad Ee sanad walba waxaa ay galaan ardada dhigata dugsiyada ee Dalka fasax ku aaddan diyaargorowga sand dugsiyeedka dambe iyo booqashada ehelka iyo qaraaba aan fursadda loo helin xilliga waxbarashada.

Maamulada dugsiyada ay ardada wax ka bartaan ayaa ku waajibiya ardada Iney si horumaris ah u bixiyaan Lacagta Labadaasi Bilood ka hor inta aysan gelin mudada fasaxa.

Waalidiin badan ayaa arrintaasi ku noqotaa culeys madama aysan awoodin dhaqaalaha intaa le’eg ee Labaadis bilood laga hormarinayo caruurta.

waalidiin badan aan La hadlay Maandeeq Fm ayaa waxa ay sheegeen in caruurtooda lagu soo amro in waalidka  ka soo qaado lacagta, haddii kalena uu san gelidoonin imtixaanka, waa arrin ay ka siman yihiin iskuulaadka dhamaadka sanad dugsiyeed walba,  oo badanaa ardayda laga qaado dhamadka bisha April iyo  May taas oo waalidinta dhaqaalo ahaanta aan awoodin bixinta lacagtaasi ku noqota culays iydoo danta ay ku qasabto in lacagtaasi la bixiyo meeshii la doonaba halaga keeno ” illeen xoolo khasab lama waayo”.

Shariif Xuseen Waa Aabe lix caruura oo uu dhalay lagu soo  Amro sanad walba xiligaan oo kale in lacagta Labada bilood ah uu isku bixiyo, culys ayay ku tahay arrintan, waxa uu noosheegay in xaaladdoodu ay adag tahay isla markaana ay jeclaan lahaayeen in labadaa bilood laga dhaafo:

“Dhibaato waa nagu haysaayoo, sidaad ogtahayba, waddanka dhaqaalihiisu waa yaryahay, ardaydiidan lagama maarmi karo in waxbarashadii la geeyo, waa daruuri waa loo baahan yahay, markaa wax ka qabadna way u baahan tahay oo waxaan u baahnaan lahayn in lagala khafiifiyo, in bishii wixii nagala qaadi jiray oo kaliya nalaga qaado aad baan u soo dhaweyn lahayn arrinkaa, waanan jeclaan lahayn, laakiin lacag aan 3 bilood iskugu bixinno nama soo gasho”, ayuu yiri Shariif Xuseen.

Maamulayasha dugsiyada waxbarasho oo arrintani ka siman ayaa dhankooda waxa ay ku doodayaan In Lacagahaasi tahay musharadka barayasha Iskuulaadka kirada guryahana lagu dabarayo,  isla markaan ay tahay in waalidiintu ay buuxiyaan lacagtaas booskii wasaaradda waxbarashadana ay buuxiyaan oo iyado bari-samaadkii buuxin jirtay kaalintaa:

“Lacagaha Saddexda bilood lagu sheegay, lacagahaas waxaa loogu talogalay in lagu socodsiiyo howsha dugsiyada, bari-samaadkii waxaa waxbarashada gacanta ku hayay wasaaradda waxbarashada, balse wixii ka dambeeyay mudadii ay xukuumadda dhexe burburtay ayaa waxaa dhacday in dad si gaar ah isku xilqaamay ay waxbarashadii isku xilqaameen, waxayna wax ku socodsiiyaan waxyaabo yaryar oo laga qaado waalidiinta iyo ardayda laga qaado ayay ku socodsiiyaan, waxaad arkaysaa iskuulladii ay yihiin ku gaar loo leeyahay waxay dagan yihiin guryo kiro ah, maadaama aaney xuquuqda macallinka aan laga helay wasaaradda waxbarashada meeshana ay ka baxday, meeshaa waxaa buuxinaya waalidka labada bilood ee fasaxa ah macallinku xuquuq dugsiga ayuu ku leeyahay, labada bilood ee faxa ah waxa loo qaadayaa in howlahaa lagu xalliyo”.

Ardada ayaa ah kuwo marka hore dhibaatada arrintaan kala soo kulma maamullada dugsiyada ay wax ka bartaan, mid ka mida ardayaas oo ay  arrintaan ku dhacday, magaciisana aan u qarinnay sabab dhanka akhlaaqda ah ayaa Maandeeq FM waxay u sheegeen in marar badan loo diido iney galaan  imtixaan ay isku soo diyaariyeen iyagoo lagu xujeenayo in lacagaha sadexdaasi bilood isku bixiyaan amaba ay iska illoobaan imtixaanka:

“Labadii sanno ee ugu dambeysay ee dugsiyada sare waxaa dhacda anigoo imtixaan ku jira in lacag darteed la iiga soo bixiyay, adigoon lacagta dhiibin imtixaan ma galeysid, guriga ayaan imid markii aan maamo u imid waxay igu tiri lacag mahayo, lacag dayn ah ayaa gacantayda kusoo qaaday oo aan geeyay iskuulka”.

Agaasimaha Guud ee dalladda waxbarashada ahliga ah ee SAFE  Kayse Macalin Abu-Xuseen ayaan arrintaan wax ka waydiinnay ayaa xusay in markasta ay isha ku hayaan dadka danyarta ah ulajeedooyinkoodana ay ka mid tahay iney dadkaa danyarta ah wax la qabtaan:

“Waxaan ka mid ahay mas’uuliyiinta daladda SAFE, waxay markasta u taagan tahay iney bulshada Soomaaliyeed wax la qabato, kuwooda aan wax haysan iyo kuwooda dhibaatada abaartu haysato intaba, ujeeddooyinka daladda SAFE ayaa waxaa ka mid ah in dadka aan waxba haysan wax lala qabto, waa sax in bulshadu ay hadda la kulmayaan xilliyo adag, laakiin waxbadan annagoo dareensan ayaan tallaabooyin ku habboon ka qaadannay”.

 

Dowlada  Soomaaliya, gaar ahaan  wasarada waxbarashada masuliyad gaar ah ayaa ka saarantahay sidii waxbarasho ay u heli lahaayeen  ubadaka Soomaaliyeed ee danyarta ah, iyo iney ka taxadarto  meesha ka saaran caqabad kasta oo ka hor istaagaysa iney waxbarashadooda horay usii wataan.

Si kastaba, waalidka Soomaaliyeed ayaa dusha u ritay kaalintii Dowladda oo ay ahayd iney bixiso adeegyo ay ka mid yihiin waxbarasho lacag la’aan ah oo si siman ubadka Soomaaliyeed u helaan, waxayse filayaan in kaalintaasi ay markale dib usoo laabato oo ay helaan adeeggii dowladnimo ee lagama maarmaanka u ahaa nolosha.

W/D: Cabdalla Cusmaan, Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close