CaafimaadkaWararka

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Sheegtay In Boqolaal Ruux ay Soo Riteen Cudurrada Jadeecada iyo Shuban Biyoodka

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo aan la yeelannay wareysi gaar ah ayaa noo sheegay in ku Dhawaad 400 oo kiisas oo la xiriira xanuunada jadeecada Iyo shuban biyoodka laga diiwaan Galiyay Deegaanada Maamulkaas Galmudug.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Oo kaashneysa Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Dhexe ee DFS iyo Hay’adaha samafalka ayaa wada dadaallo lagula tacaalayo Shuban biyoodka iyo jadeecada ka oo ka dillaacay qeybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka.

Maxamed Xasan Cali, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Galmudug ayaa  sheegay iney ku howlan yihiin sidii looga hortagi lahaa xanuunnada ka dhashay saameynta Abaarta isla markaana ay u diyaar garoobayaan dhibaatooyinka caafimaad ee xilli roobaadka oo ka curtay gobollada kala duwan ee Galmudug;

“Wasaaraddu runtii waayadan dambe waxay la tacaaleysay cudurrada shuban biyoodka iyo jadeecada oo ka dhashay saameynta abaarihii dalka, wasaaraddu waxay dadaal badan ku bixisay la tacaalidda dadyowga ku waxyeeloobay ama caafimaad darrada ka qaaday abaartii dalka ka dhacay khaasatan gobollada dhexe, annagoo kaashaneyna wasaaradda caafimaadka dowladda dhexe iyo dhamaan hay’adaha ka howlgala gobollada Galmudug” ayuu yiri; Maxamed Xasan Cali.

“Kiisaskii ugu badnaa gobolkaan Galguduud ayay ka dhaceen, waxaan dadaal badan ku bixinnay sidii dadkaa loo gaarsiin lahaa daawo loogana  tallaali lahaa cudurka jadeecada, waxaad moodda in maalinba maalinta ka dambeysa aan kasoo raynayno”, ayuu yiri, wasiir ku xigeenka.

Wasiirka ayaa sheegay in ol’olihii ugu horreeyay ee dhanka tallaalka Jadeecada ay ka bilaabeen Galkacyo isla markaan maalmaha soo aaddan ay ka bilaabi doonaan gobolka Galguduud meelo badan oo ka mid ah.

Kiisaskii ugu badanaa ee ay soo ritaan cudurrada Jadeecada iyo shuban biyoodka ayuu ku sheegay iney ahaayeen illaa 400 oo qof, waxa uu tilmaamay iney dhimasho yareyd, dadka intooda badanna markii la dabiibayna ay guryahoodii dib ugu laabteen.

Si kastaba, saameynta abaarta ku dhufatay guud ahaan dalka ayaa keentay iney ka dhashaan cudurada shuban biyood, Jadeeco, kuwaas oo dhibaatadii kusii kordhiyay dadkii markii horeba nafaqo daarro la daalaa dhacayay.

Related Articles

Close