arrimaha bulshadaWararka

Cilmibaaris: 66 Milyan oo Caruur Afrikan ah oo Ku Biiraya Waxbarashada Gaarka Loo leeyahay Sanadka 2021

Cilmibaaris laga sameeyay waxbarashada Qaaradda Afrika ayaa sheegaysa in Afartii caruur ah ee Afrika ku nool mid ka mid ah uu ku biiri doono dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay marka la gaaro 2021.

Cilmibaaris cusub oo ka hadlaysa kobaca aqoonta Afrika ayaa lagu sheegay in sanadku marka uu gaaro 2021 ay iskuulaadka gaarka loo leeyahay ee qaaradda Afrika ay ku biiri doonaa ku dhawaad 66 milyan oo arday oo markaa u dhigmaysa 4 meelood oo meel caruurta Afrika ee sanadka 2021.

Scott Featherston oo ka tirasan ragga cilmibaarista sameeyay ayaa uljadeeda cilmibaaristan laha leeyahay ku tilmaamay iney jeclaysteen iney soo afjaraan doodda aan macnaha lahayn ee u dhaxaysa dugsiyada dowliga ah iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay, waxa uuna xusay iney tahay in dowaladuhu ay sameeyay waxbarasho tayo leh oo ka wanaagsan tan gaarka loo leeyahay.

Adeegga waxbarasho ee qaaradda Afrika ayaa koror ku yimid wixii ka dambeeyay sandkii 2000, iyadoo 78% ay korortay heerka isku diiwaangelisay dugsiyda hoose dhexe ee qaaradda.

Cilmibaarayaashan oo xaruntoodu tahay Caerur Capital ee Washington dalka Mareykanka ayaa ku talinaya iyo dowladuhu ay xadidaan awoodaha goobaha waxbarasho ee gaarka loo leeyahay iyagoo ku sababeeyay in laga dhaxli karo dhaqaale xumi iyo tayo la’aan dhanka waxbarashada ah, waa sida ay hadalka u dhigeene.

“Mustaqbalka waxbarashada ee suuqyada soo ifbaxaya ee gudaha qaaradda Afrika, waa hannaan barxan” ayay yiraahdeen cilmibaarayaasha oo u muuqda kuwo waxbarashada gaarka loo leeyahay ku jeedinay indhaha dowladaha Afrika.

30 milyan oo ka mid ah caruurta ku nool qaaradda Afrika ee sub-Saharaha ka hooseeya oo kororka dadkeedu uu aad u sarreeyo ayaan haysan waxbarasho,  waana sida ay leedahay Qaramada Midoobay hay’adda u qaabilsan ee dhallaanka UNICEF.

Related Articles

Close