WararkaWaxbarashada

Diyaar Garowga Imtixaanka Midaysan ee Wasaaradda Waxbarashada DFS oo Ka Socday Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir

Diyaar garowga Imtixaanka midaysan ee dugsiyada sare ee dalka ayna soo qabanqaabineyso wasaaradda waxbarashada DFS, ayaa si wanaagsan uga socda dugsiyada sare, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir.

Iyadoo in ka yar 17 cisho oo qura ay ka harsan yihiin imtixaanka mideysan ee ardayda sanad dugsiyeedkan ka qalinjabineysa dugsiyada sare ee dalka, ayaa waxaa qaar ka mid ah dugsiyada gobolka Banaadir ka socda diyaar garoowga imtixaankaasi.

Dugsiyada diyaar garowga  uu ka soconayo waxaa ka mid ah dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Alpha.

Maxamed Ibraahim Ayaanle, maamulaha dugsiga Alpha qeybtiisa degmada Hodan ayaa  Maandeeq FM u sheegay iney bilaabeen diyaar garowga imtixaanka mideysan ee wasaaradda Waxbarashadu qaadeyso sanadkan.

Ardayda fasalka 12aad ee dugsiga sare  ee  sanad dugsiyeedkan ka qalin jabinaya dugsiga ayaa loo carbinayaa sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen imtixaankaas, kaalmo fiicaanna ay uga soo hoyn lahaayeen tartanka dugsida dalka si gaar ah uga dhexeeya..

Dadaalada dugsiga ka soconaya ee lagu diyaarinayo ardaydaasi ayaa waxaa gacan ka geysanaya barayaasha dugsiga sida maamuluhu sheegay, isagoona u rajeeyay in natiijo wanaagsan ay kasoo hooyaan imtixaanka.

20-bisha, May, ayaa la filayaa iney qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Caasimadda Muqdisho ay ka bilaabaan imtixaanka shahaadiga dusiyada sare, kaa oo sanad dugsiyeedkan 2016/17 ay ka qeybgalayaan 23-kun oo arday.

 

Related Articles

Close