WacyigelinWararkaWaxbarashada

Sideed Ubadkaaga U Jeclaysiin Kartaa Waxbarashada?

Maalin walba caruurteennu waxay u kallahaan goobahooda waxbarasho, iyadoo ulajeedku yahay iney aqoon kororsadaan, kana faa’iidaystaan saacadaha gaaban ee ay ku suganyihiin xarunta waxbarasho.

Dhanka kale, hadii aad weydiiso waalid walba fikirkiisa ku aaddan inuu jecelyahay  iyo in kale in caruurtoodu ay  noqdaan kuwo ku guulaysta waxbarashadooda, jawaabtu waxay noqoneysaa haa waan jeclahay, hase yeeshee waalidiinta qaarkood iska weydiiyaan sida ubadkiisa uu ku jeclaysiin lahaa casharka uu soo bartay iyo guud ahaan waxbarashada.

Casharrada ay  ardaydu dhiganayaan waa ay kala duwan yihiin, sanadba sanadka ka danbeeya casharradii waa kuwo sii kordhaya , haddii markaa inta ay yaryihiin aan la sixin ama aan la jecleysiin casharrada uu dhiganayo,  waxaa suurtogal ah iney noqonayso in waxbarashadii uu daciif ku noqdo  ama uu ku dhaco waalidkana uu eeda saaro, macallinka asaga oo markaas ogeyn in mushkilada uu qeyb ka yahay.

Hadaba qodobadan soo socda waxay inoo suurtogelinayaan in ubadkeennu ay jeclaadaan casharkooda ay dhiganayaan:

1-Marka hore waalidka waxaa laga rabaa in uu sameeyo qorshaha duruus akhrinta ubadkiisa.

2-Waligaa ha ku fekerin in caruurtaadu jeclaato casharkooda mar hadii ay hooyo ama aabe ay ubadkooda  hortooda waxa ku akhrinayn  sida in waalidka uu akhriyo qu’aanka  sheekooyinka iyo buugaagta kala duwan taasi waxa ay farriin u noqonaysaa in uu jawiga guud ee gurigu uu yahay mid loogu talogalay waxbarashada.

3-Si caruurtaadu ay ujeclaadaan casharkooda waa in aad u qeybisaa casharka oo aadan siin ama aadan ku amrin in casharrada badan in uu barto, taasi waxa ay u horseedi kartaa in uu naco casharka ama uu ka caajiso.

4-Qodobka kale waa in ubadkaaga siisaa nasiino sida in uu waxyar cayaaro in waqti kooban uu daawado telefishinka in aad la cayaarto, talaabooyinkaasi waxa ay u horseedayaan in uu jeclaado casharka isla markaana uusan ka caajisin.

5-Hadii aad tahay waalid xoogga ha ku saarin caruurtaada sidii ay darajo sare u keeni lahaayeen ee waxaad xoogga saartaa sidii ay aqoon u faa’iidi lahaayeen, ha isku dayin in aad kula dadaasho xifdigo casharka ee waxaad isku daydaa in uu fahmo nuxurka casharka loo soo dhigay.

6-In aad ku ammaanto caruurtaada inta ay akhirsanayaan casharka waa arrin fiican una horseedaysa iney waalidka la jaanqaadaan.

7-Dhoola cadeynta hadalka wanaagsan dhiirigelinta qodobadaas oo dhan waa wadooyinka aad ku kasban karto ubadkaaga  casharkana ay ku jeclaan karaan.

8- Meesha casharka ay ku akhrisanayaan amaba  aad ugu akhrinayso ha noqdaan kuwo ku habboon.

Tallaabooyinkaas haddii waalid walba uu ku dhaqmo waxaa hubaal ah caruurteennu iney noqonayaan caruur wanaagsan waxbarashadana jecel.

 

W/D: Ustaad Xasan  Cabdi Maxamed

Related Articles

Close