arrimaha bulshadaWararka

Waligaa Ma Isweydiisay, Sababta Keenta Isbedelka Ku Dhaca Dhadhanka Raashinka ee Gudaha Diyaaradaha

Cilmibaarayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa sameeyay daraasad ay ku ogaanayaan waxyaabaha saameynta ku yeesha cuntada diyaaradaha dusheeda.

Inta badan dadku waxay ka cowdaan dhadhanka cunnada ee gudaha diyaaradaha waxaaneyna sheegeen cunta kasta oo loogeeyo in dhadhankeedu aanuu wanaagsaneyn amaba ay wax ka khaldan yihiin.

Sababtaas ayaa ah mid la mid ah tan uu dareemo qof kasta oo meel dhulkain masafo ah ka fog uu dareemo.

Culumadan ayaa dhulka ka sameeyay jawi la mid ah kan diyaaradda, kadibna raashiin ayay u qeybiyeen dad mutadawiciin ah oo ka qeybqaatay tijaabadan, iyadoo dadkii falcelintoodu ay noqotay mid taban oo dhamaan cuntadii kala duwaneyd ee loo keenay waxbay ka sheegeen.

Culumadana ayaa hadaba gaaray tatiijo ah , markasta oo cadaadiska hawada ee gudaha diyaaradda uu kordho, hawo qalalan iyo dhaqdhaqaaqa diyaaradda uu jirku dareemo, ay keenayso in Oxygen-ka uu dhiigga ku yaraado, waxaa isbedelay markaa, ayay yiraahdeen, habka Kiimikeed ee candhuufta qofka. Waxayna keenaysaa taasi iney dhadhankii iyo dookhii qofka ay saameyso, kaas oo u gudbaya waliba habdhiska neefmareenka iyo habdhiska dheefshiidka, sidaa darteed raashinka diyaaradda lagu dul cunaa wuu ka dhadhan duwan yahay, raashinka meelaha kale, dadkuna iyagaa u maleynaya in raashinkaasi aanuu ku habbooneyn oo kaliya ee laakiin waxa isbedelay waa dookhood.

raashin

Related Articles

Close