arrimaha bulshadaiskuulladaWacyigelinWararka

Faa’idooyin Waaweyn oo Laga Dhaxlo Matalaadda Ruwaayadaha ee Gudaha Iskuulka

Xilligan aan ku jirno waxbarashada dalka taallaa waxay u badan tahay mid ku kooban un manhajka ardayga, iyadoo intabadan iskuulaadka aan la tixgelin waxqabadyada kale ee muhiimka u ah nolosha dambe ee ardayga.

Iskuulaadka qaar ayaa waxay sameeyaan ruwaadado gabagabada sanad dugsiyeedka, gaar ahaan xilliyada abaalmarinta ardayda waxbarashada kaalmaha hore gala iyo sagootinta ardayda ka qalinjabinaysa iskuulka.

Hadaba ruwaayadaha lagu dhigo gudaha iskuulaadka waxay leeyihiin faa’idooyin farabadan oo aan la soo koobi karin, waxaase ugu muhiimsan, sadexdan aan hoos ku sheegi doonno:

1-  La Qabsiga arday inuu la hadli karo dad farabadan

Xafladaha lagu soo bandhigo ruwaayadaha ardayda waxaa inta badan kasoo qeybgala waalid, macallimiin iyo mas’uuliyiin farabadan oo daneeya waxbarashada, sidaa darteed ilmaha yar marka uu masraxa kasoo dhex muuqdo waxa uu la qabasanayaa inuu dad farabadan hortooda wax ka jeediyo isagoo aan dareemeyn wax dhibaato ah, taas oo hadhow marka uu weynaado nacfi badan u keenaysa.

2- Khajilaadda iyo xishoodka saa’idka ah oo lagaga hortago

Ardaydu isku wada mid ah maaha waxaa jiray arday aad uga xishood badan asaagooda, sidaa darteed in yaraantooda lagu tarbiyeeyo masraxa xishoodka dheeraadka ahna laga saaro waxay ku fiican tahay yaraanta; sidaad darteed macallimiinta wanaagsan ardaydooda xishoodka badan waxay ku adkeeyaan iney ka qeybgalaan howlaha masraxa iskuulka si ay hadhow ula qabsadaan nolosha oo mararka qaar indha adayg u baahan.

3- Waa madadaalo wanaagsan, hal-abuurna lagu soo saaro

Kaalin kasta oo uu ardaygu ciyaaro oo uu kaga qeyb qaato ruwaadda iskuulkiisa hadhow nacfi badan ayay u yeelataa, mar kasta waxa uu matalayaal kaalin aan tiisa ahayn, qof taajir ah, qof faqiir ah, dhakhtarnimo, macallinimo, Ingineernimo iyo kaalimo farabadan oo uu ku matali karo ruwaadda, arrinkaasi ubadka waxay u furfuraysaa inuu helo fakar ballaaran oo kiisii hore kusoo kordha, sidaa darteen fanka masraxiyadda iyo riwaayadaha oo la barto aad ayay u xiiso badan tahay, ubadkana waxbarashada ayay jeclaysiisaa, kaalinta muhiimka ah ee uu matalana waxaa dhici karta iney mustaqbalkiisa waddo fiican u jeexdo.

Burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya kadib ayaa waxaa aad u yaraaday masraxa iyo muhiimadda uu ku leeyhaya waxbarashada, taas oo keentay in faa’iidooyin waaweyn uu ka lumo ardaydii wax ku baratay gudaha dalka wixii ka dambeeyay 1991.

Related Articles

Close