arrimaha bulshadaWararka

Facebook oo Qaadaneysa 3 Kun oo Shaqaale Cusub ah

Shirkadda Facebook ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqday qorshe ay ku shaqaaleysiinayso 3 kun oo qof oo ay mar kaliya qaadaneyso.

Maamulaha fulinta shirkadda Mark Zuckerberg ayaa sheegay in 3 kun oo qof oo howshoodu tahay iney Internet-ka illaaliyaan ay shaqaaleysiin doonaan.

Waxa uu xusay in dadkani  ilaalindoonaan dhamaan waxyaabaha aan habbooneyn ee barta Facebook-ga lasoo dhigo, haddii ay yihiin muuqaallo amaba ay yihiin qoraallo, gaar ahaan dilalka iyo isdilka uu qofku naftiisa gooyo amaba dhacdooyinka la xiriira kufsiga.

Saddexdan kun ayaa ku biireysa 4,500 oo qof oo hadda ku howlan  shaqooyinka ku aaddan illaalinta macaamiisha ku xadgudubta shuruurada adeegsiga Facebook.

Isbuucii hore ee lasoo dhaafay ayaa aabbe u dhashay dalka Thailand uu ku kacay dhacdo aad u naxdin badan, waxa uu dilay gabar uu dhalay iyadoo si toos ah looga daawanayo Facebook, maalin kadib, markii ay dhacdadaa daawadeen 370.000 oo qof, ayaa Facebook ay ka saartay barteeda. Waxaa intaa sii dheer iney horey u jireen dhacdooyin si Live ah loo tabiyay oo ku saabsan dilala iyo kufsi, saameyn badan oo aan wanaagsaneynna ku yeeshay barta Facebook.

 

Related Articles

Close