arrimaha bulshadaCaafimaadkaWararka

Qaramada Midoobay oo Ka Digaysa Nafaqo Darro Xooggan oo Kusoo Waajahan Caruurta Soomaaliyeed

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in 1.4 milyan oo caruur Soomaaliyeed ah ay halis ugu jiraan iney u dhintaan nafaqo darro.

Dalka Soomaaliya oo ku jiray abaar baahsan ayaa Qaramada Midoobay saadaalinaysaa in dhammaadka sanadkan ku dhawaad  Hal-milyan iyo bar caruur ah ay u geeriyoon doonaan nafaqo darro.

Warbixinta ay Qaramada Midoobay ay soo saartay ayaa Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka waxay ka digeysaa in ka badan Labo boqol iyo todobaatan kun oo caruur ah in ay heysato nafaqo darro baahsan, qarankana ay u saaranyihiin iney u geeriyoodaan.

Dhanka kale, war ay soo saartay hay’adda dhallaanka iyo hooyada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Unicef, ayaa waxaa lagu sheegay in caruurta ay wajahayaan xanuunno ay ka mid yihiin kalooraha iyo Shuban biyoodka kuwaasi oo sababyo nafaqo darro iyo dhisho.

Nafaqo darrada iyo xanuunnada oo is biirsaday iyo barakaca reeraha caruurta dhalay ayaa ah waxa halista gelinaya nolosha caruur badan oo xaalad halis ah ku sugan.

Hay’ado badan oo dhanka caafimaadka ah ayaa ka digaya iney abaartu ay sababayso in Shuban biyood uu dilaaco.

Soomaaliya ugu yaraan Labo boqol iyo lixdan kun oo qof ayaa sanadkii 2011  u geeriyootay abaaro ba’an  oo dilaacay xilligaasi.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xilligaasi dadkii dhintay kala bar ay ahaayeen caruur kuwaasi oo da’doodu ay ka hooseyso shan jir sida ay sheegtay  hay’adda WFP.

nafaqo drro1

Related Articles

Close