JaamacadahaWararka

 Shirka Siyaasadaha Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista  Bariga Afrika  oo ka Furmay Dalka Jabouti

Hotelka Kempinski ee Caasimadda dalka Jabouti ayaa waxaa ka furmay shirkii Saddexaad ee Qaaradda Afrika lagu qabto oo ay ka qeybgalayaan illaa 13  wasiirradooda Tacliinta Sare oo ka kala socoda bariga Afrika iyo wadmaba badweynta Hindiya.

Shirkan oo uu shirguddoominayay madaxweynaha Jabouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ka soo qeybgalay jaamacado kala duwan oo ka tirsan kuwa dunida, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka iyo Sayniska ee UNESCO iyo marti sharaf kale oo daneeya arrimaha waxbarashada adduunka.

Shirkan ayaa ulajeedadiisu tahay  sidii sare loogu qaadi lahaa jaamacadaha qaaradda Afrika dhanka cilmiga Sayniska, tiknoloojiyadda iyo cilmibaarista oo sanadadii dambe dib u dhac uu ku yimid.

Sidoo kale waxaa shirka la iskula soo qaaday, kaalinta ay jaamacaduhu ku leeyihiin xallinta khilaafaadyada ragaadiyay wadmo badan oo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Wasiiru-dowlaha hiddaha iyo tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalla Jaabiri oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri:

“Shirkani waxa uu ku saabsan yahay  tacliinta sare iyo horumarinta cilmibaarista, waxyaabihii laga hadlay waxaa ka mid ahaa heshiisyadii hore ee horumarinta waxbarashada, caqabadahooda, heshiiskii caruusha iyo kii ka dambeeyay ee Addis Ababa ee Qaramada Midoobay iyo Qaaradda Afrika, dowrka ay jaamacduhu ka qaadan karaan horumarinta culuumta Sayniska, marka ay timaaddo xagga Ingineerinka iyo caafimaadka iyo culuumta xoolaha iyo beeraha”.

Shirkan oo soconaya muddo 4 cisho ah ayaa waxaa la soo gabagbeyn doonaa jimacaha barri ah oo laga soo saari doono war-mutiyeed ku saabsan horumarinta waxbarashada Sayniska iyo cilmibaarisa bariga Afrika.

shirka bariga afrika

Related Articles

Close