JaamacadahaWararka

10 Jaamacadood ee Ugu Hal-abuurka Badan Yurub Sanadkan 2017

Marka aan eegno horumarinta Teknoloojiyadda Yurub waxaa isla markiiba kugu soo dhacaya caasimadaha waaweyn ee Yurub sida London, Berlin, Paris, laakiin magaalo yar oo ku taallaa meel looga hadlo luqadda Dutch-ka kana tirsan Flanders, dalka Belgim ayaa noqotay jaamacadda ugu hal-abuurka badan Yurub sanadkan 2017.

Kala sarreynta jaamacadaha Yurub ee ay sameyso Reuters, waxaa lagu kala xushaa jaamacadaha dadaalka ugu badan ku bixiya kobcinta cilmiga iyo waxsoosaarka teknoloojiyadda cusub si loo dhaqaajiyo dhaqaalaha dunida.

Jaamacadda ugu hal-abuurka badan Yurub sandkii Labaad oo xiriir ah, ayaa ah  jaamacadda Belgim ee KU Leuven.  Waxaa la aasaasay jaamacaddan 600 sano ka hor, maanta waxay aad uga hormarsan tahay tiklonoojiyadda, waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu waaweyn ee dhanka cilmibaarista iyo horumarinta mustaqbalka Adduunka.

Sanad maaliyadeedkii 2015, cilmibaarista oo kaliya waxay jaamacaddu ku bixisay 454 milyan oo Euro, waxay jaamacaddu heshay 586  shahaado oo hal-abuurka (Patent portfolio) mid kastaana uu yahay hal-abuur ka diiwaangashan wadamo kala duwan.

Xulushada Reuters ay ku kala xulatay jaamacadaha ugu hal-abuurka badan ayaa salka ku haysa hal-abuurka jaamacadda iyo waxsoosaarkeeda dhanka cilmiga iyo shahaadooyinka hal-abuurka iyo cilmibaarista jaamacaddu ay sameyso.

Halkan hoose ka akhriso 10 Jaamacdood ee ugu hal-abuurka badan Yurub:

jaamacadaha ugu hal abuurka badan

Related Articles

Close